cabdulaahi abokorHargeysa(Araweelo News Network) Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhifatay dalab axsaabta mucaaradku ku baaqeen oo ahaa in ay maalinta salaasada

samaynayaan mudaharaad salmi ah.
Wasiir ku xigeenka Aminga Ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa maanta soo saaray qoraal uu kaga jwaabayo codsiga xisbiga mucaaradka ee UCID, wuxuuna sheegay in  ay jiraan sababo aan loo ogolaanayn mudaharaad, isagoo dhinaca kalena qiray in muwaadiniinta rayigooda iyo xoriyadaha aasaasiga uu damanad qaaday Dastuurka Somaliland, balse aanu xisbiga UCID qaadi Karin masuuliyada mudaharaad waqtigan ka dhaca dalka oo uu xusay in ay jiraan arrimo badan oo ku xeeran

Qoraalka Wasiir ku xigeenka oo jawaab u ah codsiga xisbiga UCID, isla-markaana la ogeysiiyey Madaxwaynaha,  masuuliyiintaGobollada dalka, Taliyaha booliska, xisbiga UCID iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa u dhignaa sidan:-

“UJEEDO JAWAAB CELIN’ Tixraac warqada tirsigeedu yahay ujeedadeedu tahay war gelin banaanbax silmi ah kuna taarikhaysan 07/12/2013,

Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra’yiga iyo xoriyadda asaasiga ah ee ra’yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa 1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda somaliland

Anagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad oo ka hadlaysa degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, iyo kal-dambaynta iyo nabad galyada waxay wasaarada arrimaha gudaha go’aan qoraala oo sababysan ku diidi kartaa shir ama isku soo bax guud.

Sidaa darteed, anagoo garawsan xaaladaha nabad galyo ee mandaqadan geeska Africa iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada inala jaarka ah ee soomaaliya, suurtogal maaha waqtigan lagu jiro in dalka mudaharaadyo ka dhacaan, isla markaana ciidamada amniguna heegan buuxa ay ku jiraan mana damaanad qaadi kartaan isku soo bax waqtigan xaadirka ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *