Hargeysa(ANN)Xuska Munaasibada sanad walba lagu xuso Mujaahidiintii u shihiiday dib u xoraynta dalka Somaliland oo loo asteeyay in la xuso   Oct, 17 ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawlada ee Hargeysa. Xafladaa  oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, isla markaana lagu

xusayay sanad guuraddii 27-aad ee kasoo wareegtay  maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, oo ahayd maalinta loo asteeyay xuskaa oo dagaal qadhaadhi  dhexmaray deegaanka Burco Duuray Koonfur Hawd kaga beegan Hargeysa  ciidamadii Siyaad bare iyo xoogagii  hubaysnaa ee Mujaahidiinta ururkii  SNM.
ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October sannadkii 1984-kii oo laga joogo 27 Sanadood.
Xiligaa oo hada laga joogo 27 sanadood, isla markaana ku beegan 17, Oct 1984, waxa munaasibada lagu xusayay mujaahidiintii SNM ee shahiiday iyo qiimaha xusuusta murugada iyo  farxada xanbaarsan ee maalintaa iyo maalmihii halgankaba ka sheekeeyay mujaahidiin goob joog u ahaa.   Iyadoo ay munaasibada xuskaa kasoo qayb galeen Marwada koowaad ee Somaliland, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.
Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta waddanka oo xafladaa  ka hadlay ayaa waramay  baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM,  si bulshada iyo jiilka soo koraya looga tago taariikh  dhaxal u noqota oo ka turjumay taariikhdii halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta dalka.
C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin cisbitaalo dibadeed.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland.Xirsi Cali X.Xasan oo xafladaasi  ka hadlay  ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM, iyo Madxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuumada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM.
“Waxaan muhaahidiinta iyo SNM waxaan Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taageerto mujaahidiintii dalka,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu  intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas.
Afhayeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid  Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay  taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre.
Maxamed Kaahin waxa uu ka sheekeeyay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee  ku sinaa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisimadii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro  badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle.
Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray  awoodii garabkii Ciidanka ee SNM.waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafahoodii u huray dib u xoraynta Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo  martay intii ka danbaysay aasaaskeeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya.
Md.Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxamed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka Lagu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay   halgankaas.
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidiintii iyo agoomihii SNM,aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye  ku galay ololahii Doorashada.
Guddoomiyuhu waxa kale  oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland   ku jirno halgan ka duwan kii hore kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale.
Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY  uga bariday inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaahidiintii ururkii snm ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda .
Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba.
Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee kasoo wareegtay maalinta shuhadada SNM  ayaa lagu qabtay Magaalooyinka Burco, Berbera, Ceergaabo Iyo Gabilay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *