Muqdisho(ANN)Wasiirka Arrimaha Debadda ee Kenya, Moses Watangula, ayaa xaqiijiyay in ciidammada dalka Kenya ay galeen gudaha dhulka Soomaaliya, wuxuuna ku macneeyay talaabadaa mid ay ku difaacayaan dalkooda oo ay kula dagaallamayaan sida uu sheegay  Al -Shabaab. Gelitaanka

 

gudaha Somalia ee
ciidamada Kenya ayay dad goob joog ahi sheegeen  inay kolanyo  baabuur hubeysan oo Kenyan ah iyo diyaarado Helikobtarro wataa  ay galeen Soomaaliya maalintii Axadda ee shalay.
Dawladda Kenya ayaa tallaabada xadgudubka ah  ku sheegtay mid waafaqsan qaanuunka caalamiga ah. Kadib markii sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha debeda Kenya  Watangula  ay jawaab ka bixiyeen codsi uga yimi dawladda taagta daran ee Somalia. sidaana ku galeen gudaha Somalia iyo ka jawaabaya dalabkaa, isla markaana waxay Kenya   ku andacoonay  inay tallaabada ay qaadeen ay sabab u tahay xarakada Al -Shabaab ee ka dagaalama Somalia oo ay Kenya ku eedaynay ka sameeyeen gudaha dalkeeda kooxdaasi dhowr  Af -duub oo ka dhacay gudaha xadka Kenya.
Dhaqdhaqaaqa dhinaca ciidamada ee ka jira xuduuda ay wadaagaan Kenya iyo Somalia oo ay kasoo talaabeen ciidamada Kenya xadkooda ayaa sababay in Diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Kenya ku dhacday maanta  xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagaan gaar ahaana dhinaca Liboya ee Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in diyaraadaa oo ahayd kuwa  milatariga  ay u siday sahay ciidamada Kenya oo maalnitii shalay gudaha usoo galay dhulka Soomaaliya, waxayna
wararku intaa ku darayaan inay Diyaaradu  gebi ahaanba burburtay.

Dad Goobjoogayaal  ah ayaa sheegay in diyaraadaasi ay ku soo dhacday goob iskuul ah oo
ay wax ku baranayeen arday, sidaa awgeed  ay sababtay  khasaare isugu jira
dhimasho iyo dhaawac.
Diyaaradan ayay xukuumadda Kenya ku tilmaantay inay u burburtay cilad ku timi awgeed, waxayna  sheegeen in markii ay Garoonkii ay  ka kacday ee qiyaas 2 km ah socotay ay burburtay, isla markaana ay  ku dhinteen  shan qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa oo ka tirsan  Ciidanka Dalka Kenya.
Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab ayaa ka jawaabtay duulaanka dalka Kenya ciidamadiisu kusoo galeen gudaha Somalia oo ay ku tilmaameen mid ay dowladda Kenya kusoo qaaday dalka dadka Soomaaliyeed iyo dhulkooda.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali dheere oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in xarakada mujaahidiinta ay cadawga shisheeye ka difaacayaan diinta iyo dalka. wuxuuna ku hanjabay in aanay jiri dooonin daaraha dhaadheer ee Kenya haddii aanay deg deg uga bixin ciidamada Kenya dalka Somalia.

Wuxuuna Sh. Cali Dheere umadda Soomaaliyeed ugu baaqay  inay meel uga soo wada jeestaan cadawga hororka ah ee Kenya iyo Ethiopia oo sida uu sheegay kusoo duulay dalkooda, maadaama aanay ka jirin dawlad xaq u leh difaaca dalka iyo dadka shacabka ah, balse ay iyagu difaacayaan oo aanay ku negaanayn ciidamada Kenya dalka Somalia.
Maaha  markii ugu horreysay ee Dowladdaha  la  deriska ah Somalia  ay ciidankoodu galaan  Soomaaliya, iyagoo tallaabadaa ku sababaynaya  inay la dagaallamayaan  koox Soomaaliyeed oo khatar ku ah ammaankooda, isla markaana ay oggolaasho ka haysato dowladda  Soomaaliya.
Sannadkii 2006 ayay ahayd markii ciidamada dawladda  Ethiopia ay galeen  Soomaaliya, iyagoo waqtigaa ku sababeeyay inay iska  celinayaan  Maxkamadihii Shareecada Islaamka ee xiligaa ka dhashay gedoodkii shacbiga ee lagaga takhalusay hogaamiye kooxeedyadii mudada dheer ka talinayay xaafadaha Muqdisho, waxaana xiligaa Maxkamadda Islaamiga ah Madax  u ahaa, Madaxweynaha hadda xilka haya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *