Hargeysa(Araweelo News Network) Ciyaartoyda Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland uga qayb geli lahaa Gobolka Togdheer ayaa ka baaqsay maanta inay ka qayb galaan tartanka. Kadib markii maamulxumo soo jiitamaysay sababtay inay

guuldaro kala kulmaan wareegii hore ee Ciyaaraha, taas oo geyeysiiyay inay gamcaha isula tagaan sidaana kaga baaqdaan tartanka Ciyaarta oo ay Maanta la lahaayeen Xulka Gobolka Sool.

Ciidamada Booliska ayaa maanta xabsiga u taxaabay  guud ahaan ciyaartoygii gobolka Togdheer uga qayb-galayey tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda Hargeysa stadium, kadib markii khilaaf dhexdooda ah uu sababay gacan ka hadal.

Guuldarada Ciyaartooyga Togdheer ayaa  lala xidhiidhiyay maamul xumo dhinaca qaabka lagu soo xulay ah, taas oo sababtay khilaafka dhexdooda ah, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland amar ku bixisay  maanta ina xabsiga la dhigo, waxayna arrintaasi fursad siisay xulka  ciyaarahanada gobolka Sool oo qaatay sadex  dhibcood oo muhiim u ah xiligan oo ay lahaayeen xulka Togdheer.

Arrintan ayaa si weyn saamayn ugu yeelatay mujtamaca Togdheer iyo bulshada kale ee xiiseeya Ciyaaraha, taas oo doodo ka dhex abuurtay bulshada, iyadoo gobolka Togdheer oo taariikh weyn ku lahaan jiray Ciyaaraha ay arrintani sumcadxumo weyn iyo guuldaro usoo hoysay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *