Soo Dhowayn Muse Bixi1

Hargeysa(Araweelo News Network) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay arrimaha Somaliland ka hadli Karin Nin Muqdisho Ciidamo shisheeye, taas oo ula jeeday  weedho  Madaxwaynaha Somaliya

DSC06686

Xasan Sheekh Maxamuud kasoo yeedhay xuskii 18-ka May oo uu qaranimada Somaliland  ku tilmaamay inay tahay caadifad.
Muj. Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka, isagoo ka soo laabtay safar dheer oo uu kusoo Dalka Maraykanka iyo meelo kale , waxa uu  fariin hambalyo ah u diray dawladda Itoobiya oo raysal-wasaaraheedu uu taageero u muujiyey Somaliland iyo shacabkeeda.

Guddoomiyaha Kulmiye oo kasoo degay Madaarka Berbera ayaa diyaarad nooca yar yar usoo raacay dhinaca  Madaarka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, halkaas oo ay ku sugayeen si ay usoo dhoweeyaan kumanaan qof  isagu jiray masuuliyiinta Kulmiye, xildhibaada labada gole  iyo Taageerayaash xisbiga kulmiye.

DSC06716
Gudoomiye Muuse Biixi  oo saxaafada hadal kooban ku siiyay qolka nasashada,ee madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa u mahad-naqay Dadkii Soo Dhaweeyey ,Wuxuuna Sheegay In Soo Dhaweynta Loo Sameeyey ay muujineyso, isku duubnida dadweynaha reer Somaliland iyo xisbiga Kulmiye gudihiisaba.

Wax a kale oo uu Muuse Biixi sheegay in Qurba jooga Somaliland ee uu kula kulmay Maraykanka ay midaysnaayeen,  isla-markaana ahaayeena dad u heelan inay ka qaybka qaadan doonaan horumarka dalkooda sidii ay horeba uga qayb qaadan jireen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *