guuldaro kala kulmaan wareegii hore ee Ciyaaraha, taas oo geyeysiiyay inay gamcaha isula tagaan sidaana kaga baaqdaan tartanka Ciyaarta oo ay Maanta la lahaayeen Xulka Gobolka Sool.
Ciidamada Booliska ayaa maanta xabsiga u taxaabay guud ahaan ciyaartoygii gobolka Togdheer uga qayb-galayey tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda Hargeysa stadium, kadib markii khilaaf dhexdooda ah uu sababay gacan ka hadal.
Guuldarada Ciyaartooyga Togdheer ayaa lala xidhiidhiyay maamul xumo dhinaca qaabka lagu soo xulay ah, taas oo sababtay khilaafka dhexdooda ah, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland amar ku bixisay maanta ina xabsiga la dhigo, waxayna arrintaasi fursad siisay xulka ciyaarahanada gobolka Sool oo qaatay sadex dhibcood oo muhiim u ah xiligan oo ay lahaayeen xulka Togdheer.
Arrintan ayaa si weyn saamayn ugu yeelatay mujtamaca Togdheer iyo bulshada kale ee xiiseeya Ciyaaraha, taas oo doodo ka dhex abuurtay bulshada, iyadoo gobolka Togdheer oo taariikh weyn ku lahaan jiray Ciyaaraha ay arrintani sumcadxumo weyn iyo guuldaro usoo hoysay.