London(Araweelo News Network)Fadeexado siyaasadeed iyo canbaarayn dhinaca xuquuqda Aadamaha iyo Xorital qawlka ayaa soo waajahay Dawlada Uganda ee Madaxweyne Yoweri Museveni. Kadib markii
Taliyihii Sirdoonka Uganda, General David Sejusa ka goostay dalka, isagoo ubaxsaday dhinaca dallka Britain.Gen. David oo ku sugan dalka Britain ayaa waraysi uu siiyay Wargayska Daily Monitor oo kasoo baxa Uganda wuxuu kaga waramay ujeedada ka danbaysa inuu dalka ka baxsado iyo waxa ku kalifay, taas oo galaafatay xarunta wargeyskaa oo xukuumadda Uganda albaabada u xidhay, iyadoo sabab looga dhigay xadhiga xarunta wargeyska inuu faafiyay sirtii qaranka.
General David Sejusa ayaa waraysiga uu siisay Wargayska Daily Monitor ka hor intii aan la xidhin xaruntiisa ku sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu Wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba Jaamacaddaha Milatariga Maraykanka iyo Britain ugu diray waxbarasho deg deg ah, kaas oo sida uu sheegay loo carbiyay inuu la wareego talada dalka, isla markaana lagu Amar lagu siiyey in uu khaarajiyo qaar kamida Saraakiisha ugu saraysa dalka Uganda si ay suurta gal u noqoto in uu talada Wadanka si fudud ugula wareego.
Taliyaha Sirdoonka Uganda wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Aniga, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha ugu sareeya dowladda Uganda waxaan khatar ugu jirnay in nala khaarajiyo, maxaa yeelay waxaa la Arkay in aan kasoo horjeedno Mr.Kainerugaba oo ah Wiilka Yoweri Museveni oo ku guulaystay in uu Aabbihiis kala wareego xilka Madaxweynanimada Uganda”.
Warbinta uu gudbiyay Taliyihii Sirdoonka Uganda oo ku sugan London, isla markaana ay dawlada Britain damaanad qaaday amaankiisa ayaa dareeno shaki ah ka dhex abuurtay dalka Uganda, taas oo shaki ku abuurtay jiritaanka wararkaa qaar badan oo ka mid ah madaxda dalkaa iyo saraakiisha dhinaca Milateriga.
Gen. David Sejusa ayaa Madaxweyne Museveni lasoo shaqeeyey tan iyo Sanadadihii 1986- 2013, taas oo fadeexad siyaasadeed ku ah maamulka dawlada Uganda ee uu hogaamiyo Madaxweyne Museveni, iyadoo dhinaca kale talaabada dawlada Uganda ka qaaday wargeyska Daily Monitor oo daabacay warbixintaa ay sababtay in ay Hay;addaha xuquuqda aadamaha iyo kuwa xoriyada saxaagadu dusha kaga tureen canbaarayn kulul.
Uganda waxay ka mid tahay wadamada Ciidamada AMISOM eek u sugan Somalia ay tirade ugu badan ka jopogto, iyadoo lagu qiyaaso 8, 000- 9,000 inay ka joogaan Somalia, balse si cad looma ogga samaaynta ay ciidamadda Uganda , ama saraakiisha sare ee dalkaa ku yeelan karto arrintaasi.