Habeen hore, iyadoo diiday in ay wax cunaan inta ay xoryadoodii dib u helayaan.
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa maanta xoriyadoodii usoo celisay Afartaa suxufi oo xukuumadda Somaliland lagu canbaareeyay xadhigooda, waxaana sii deynta weriayaasha ka qaybqaatay Haweenayda gudoomiyaha Komishanka Xuuquuqda Aadamaha ee xukuumadda Fadxiya Jaahuur iyo xubno kale, kuwaas oo ku qanciyay xkuumadda in weriyaasha xoriyadooda loo soo celiyo.
Afartan Wariye ayaa Ciidanka Booliska oo fulinaya Amar uu bixiyeyTaliyaha Boliiska ay Xidheen wakhti ay ku gudo-jireen Shaqadooda Hawlmalmeedka ahayd, waxaanay wakhtiga la xidhay Duubayeen Banaan-bax Salmi ah oo ay sameynayeen koox wariyeyaal ah oo ka Cadhoodey markii ay soo baxeen warar sheegaya in laba Nin oo ku eedeysnaa weerar hubaysan oo hore loogu qaaday Wargesyka Hubaal sanadkan horaantiisii oo midkood xidhnaa si qarsoodi ah loo sii daayay.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com