Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle oo ka mid ah culimada Hargeysa, isla markaana hore xukuumaddu xabsiga ugu taxaabay. kadib markii uu sheegtay inuu gudoomiye u yahay
urur-diimeed la baxay Xisbullah oo aan jiritaankiisa la aqoonsanayn.Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha amaanka Somaliland wadaadkaa ayaa ayay ciidamada amaanku qabteen. kadib markii uu gaadhi Bas ah oo nooca loo yaqaan (caasiga) oo uu ku xidhay mikiroofo kula wareegay magaalada Hargeysa, isagoo ku mbaaqaya in aan loo baahnayn Ololaha doorashada ee ka socda Somaliland iyo doorashadaba. sidaa awgeed uu ku tilmaamay kaanbaynka Ololaha iyo doorashaduba inay yihiin xaaraan.
Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle oo marar hore fagaarayaal uu kala hadlay dadka ka sheegay inuu yahay wakiilka Ururka Al-Qaida, isla markaana dhaleecayn u jeediyay xukuumadda Somaliland ee xiliggan iyo xukuumaddii ka horaysayba, wuxuu mar Khadiib ka ahaa Masjid ku yaal duleedka dhalinta Kacaanka ee magaalada Hargeysa, balse waxa laga wareejiyay masuuliyada Masjidkaa. kadib markii ay xukuumaddu u aragtay inuu khatar ku yahay amaanka iyo xasiloonida Somaliland.
Sidoo kale wuxuu magaalada Hargeysa ka aasaasay Madarasado lagu dhigto quraanka oo uu maamulo, kuwaas oo ku yaal xaafadaha magaalada qaarkood.
Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle, ayaa hada ku xidhan xarunta, ama laanta denbi baadhista CID-da ee magaalada Hargeysa, iyadoo aanay xukuumadda Somaliland si cad uga hadal xadhigiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com