xasuuqa QasaHargeysa(Araweelo News Networ)Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan xaalada Qasa ee soo jiidatay indhaha mujtamaca aduunka, taas oo

 

ay xukuumadda Somaliland ku tilmaantay mid ay si weyn uga soo horjeedaan in dad shacab ah oo aan waxba galabsan sidaa loo gumaado.

 

Sidaana waxa qudbad uu ka jeediyay Masjid Jaamaca hargeysa oo uu kumanaan shacbiga ah kula tukaday Salaadii Ciidal-fidra ka sheegay Madaxweyne xigeenka Somaliland, wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in aan layska indha tiring dhibaatada iyo dulmiga ka socda Qasa ee lagu hayo shacbiga reer Falastiin.

“Sida aynu la socono shacabka reer Falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaannu aad u canbaaraynaynaa falalka ay Yuhuuddu kula kacayso shacabka reer Falastiin ee maatida ah oo aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo dabbaabbadaha, waanuna ka soo horjeednaa, waxaanu si cad uga soo horjeednaa, waxa ka socda Qasa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo. Beesha caalamkana waxaannu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee ummadda reer Falastiin ee lagu hayo,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waana markii u horaysay ee ay xukuumadda Somaliland ka hadasho wax aka socda Qasa labatanka maalmood oo dunida carabta hogaamiyayaashoodu indha ka qarsdeen.

Dhibaatada iyo masiibada uu sababay weerarka iyo duuulaanka Israel ee Qasa ayaa  lagu kala qaybsamay in loo garaabo xasuuqa ka dhacay Qasa ku dhowaad sadexda Todobaad oo ay ku nafwaayeen kumaan shacbiga Falastiin oo caruur iyo haween u badan iyo dooda dawlada Israel ee duqaymaha ka wada deegaanka Qasa iyo dawlada Israel doodeeda ah in ay leeyihiin qorshe ay ku difaacayaan shacbigooda si ay meesha uga saaraan cabsida ay geliyeen xamaas.

Iyadoo Taangiyada Israel oo ay weheliyaan Maraakiibta Badda iyo Diyaaradaha Dagaalku garaacayeen duqaymo aan loo aaba yeelin oo si badheedh ah loogu bartilmaameedsaday dhismayaasha dadka shacabka ah, Goobaha waxbarashada, xarumaha Caafimaadka sida Cusbitaalada iyo Masjidyada lagu cibaadaysto oo dhulka lala simay. kadib markii lagu masaxay duqaymaha sadex geeska ah.

 

Labaatan maalmood oo duqayntu ugu sooctay Qasa, waxa ku nafwaayay ku dhowaad 1,100 qof oo haween caruur falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa inta la ogyahay tiro ku dhow 6,000 , kuwaas oo intooda badan yihiin haween iyo caruur. Sidoo kalena 1.2ml ayaa galay xaalad go’doon ah. Kadib markii ay waayeen meel ay ula cararaan nafohooda, iyadoo Milateriga Israel ugu baaqeen bilawgii in ay ka baxaan guryohooda ka hor inta aan lala beegsan duqaynta.

Israel waxay Ururka Xamaas ku tureen ganaatlaha Rockt, kuwaas oo si guud saamayn ugu yeeshay shacabka Israel noloshooda iyo dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasada dalka, balse aan khasaare badan geysan, laakiin gelitaanka ciidamada Israel ee Qasa oo isku deyay in ay galaan xaafadaha, balse dagaalyahanka ururka Xamaas u diideen, ayaa sababay in 43 intooda badan yihiin askar ay kaga dhinteen dagaalka, kuwaas oo uu ka mid ahaa sarkaal hogaaminayay Taangiyada Israel oo nolol lagu qabtay oo la khaarajiyay saacado kadib, basle khasaaraha  ay qiratay Israel ee duulaanka ayay xamaas sheegtay in ay ka badan tahay tirada intaa oo dhimashada Askarta iyo shacabka Israel ee Qasa noqonay ku dhowaad 100 u badan askar.

Xabad joojin ujeedadu tahay sidii sahay gar-gaar loo gaadhsiin lahaa dadka ku go’doonsan Qasa, ayaa la gaadhay, balse waxa la filayaa in aanay xaalada waxba ka bedelin, iyadoo dhinaca Israel duulaanka kala kulmay wejigabax. Kadib markii ay awoodi waayeen in Ciidamadeedu hadafkii ay sheegeen in ay ka leeyihiin dagaalka aanay gaadhin labaatan maalmood iyo labaatan habeen oo duqayntu cirka, dhulka iyo Badda ku socotay Qasa, weli ay debeda, ama duleedka Qasa ku suagan yihiin Ciidamadeedu, iyadoo canbaarayn caalami ah iyo in ay gashay gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo xasuuq ah ay galeen Ciidamada Israel.

Hargeysa Somaliland.

E-mil-ladan hoose kala xidhiidh

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *