Al-shabab oo salada Ciida Fidra la tukanaya dadka

Barraawe(Araweelo News Network)Hoggaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia, isla markaana gacanta ku haya meelo badan oo ka mid ah

 

badhtamaha iyo Koonfurta Somalia, ayaa ku hanjabay in ay soo ridayaan Diyaaradaha maraya hawadda sare ee deegaamada ay gacanta ku hayaan.

Al-shabaab oo ah Urur xidhiidh la leh Al-Qaida, isla markaana dagaal kula jira Ciidamada Nabad  Ilaalinta Somalia ee AMISOM iyo kuwa dawlada, waxay sidaa ka sheegeen munaasibad balaadhan oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Saraakiisha Al-shabaab oo salaadii Ciiddal Fidra kula tukaday Magaalada Baraawe.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) iyo Fu’aad Maxamed Khalaf (Shan-gole) oo ka hadlay munaasibada Ciida ayaa hanjabaado u jeediyay Ciidamada AMISOM iyo madaxda Somalia, wuxuuna Sheekh Cali Dheere sheegay in ay sii wadayaan weerarada is-qarxinta, dilalka qorshaysan iyo hawlgalada ay ku bartilmaameedsadaan xarumaha Dawlada iyo kuwa Ciidamada AMISOM.

“Ciidamada AMISOM, maaha kuwo na hor isaagi kara, waxay ku jiraan dhufaysyo oo ay ku go’doonsan yihiin meelhii ay qabsadeen, anagana debeda ayaan soo istaagi doonaa, waa la arki doonaa ka dhinta, waxaa naga go’an in aan  beegsano diyaaradaha sahayda u geeya, Garoomada kuwa ka kacaya, Madaxtooyada, xarumohooda iyo meelaha mihiimka ah.” Ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Hanjabaada Al-shabaab ee weerarada ay sheegeen in ay la beegsanayaan diyaaradaha AMISOM, ayaa kusoo beegantay laba todobaad ka dib markii dawlada Maraykanku soo saartay digiin ay  Hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan maamulka hawadda sare ee loo yaqaan (Federal Aviation Administration) oo loo soo gaabiyo FAA,  ku war wargelisay shirkadaha ganacsiga iyo rakaabka in aanay dul marin hawadda sare ee dalalka Ethiopia, Iraq, Libia, Somali, North Koria iyo Ukraine, waxayna digniintan soo baxday xili muran weyni ka dhex taagan yahay Maraykanka iyo Rashia, kaas oo la xidhiidha kadib Diyaarad siday 295 qof oo laga lahaa Malaysia oo tbiishii hore kusoo dhacday dalka Ukraine deegaanka falaagada dawlada Ukraine dagaalka kula jiraa ka taliyaan.

Digniinta ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay qaran guul-daraystay oo kooxo argagixiso ah ka jiraan, sidaas darteedna aan loo oggolayn in diyaaradaha rakaabka iyo ganacsiga ee Maraykanka laga leeyahay dul-maraan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *