Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa ka noqotay wadahadaladii la filayay inay la yeelato Somalia. kadib markii ay Dawlada Madaxweyne Shariif ku dartay kooxda Wasiiradda ay u magcawday inay dhinacooda uga qayb galaan laba xubnood oo ka tirsan Maamulka Puntland, isla markaana u
dhashay deegaanka Bariga Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo kasoo saartay arrintaa. Laakiin sida ay warar shebekada Araweelonews ka heshay saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxa hakad la geliyay inay xukuumadda Somaliland qayb ka noqoto wada hadaladaa, waxayna saraakiishaasu sheegeen inaanay waqtigan diyaar u ahayn Somaliland inay ka qaybgasho wada hadaladaa ilaa inta ay xukuumadda Sh. Shariif ka noqonayso talaabada ay ku wiiqay wadahadalada iyo dedaalka beesha caalamka.
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com