Maxamuud Xaashi cabdiHargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa hawadeeda iyo Garoomadeeda  ka madnuucday inay soo maraan ama  ka soo degaan, ama  ka duulaan Diyaaradaha qarramadda Midoobay

 

laga bilaabo Lixda Subaxnimo ee Berto ee 15-ka Bishan May.

 

Sidaana waxa  ku dhawaaqay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, isagoo daba socda go’aan ay Qaramada Midoobay ku hoosgeysay  Maamulka Hawada iyo Garoomada Somaliland dawlada Somalia.

Wasiirka Duulista iyo  Hawadda Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi oo jawaab ka bixinaya talaabada Qaramada Midoobay ayaa   si adag  u sheegay  inay dawladiisu joojisay xidhiidhkii ay Qaramada midoobay kala lahayd Maamulka Hawada Somaliland, wixii hada ka danbeeyana  ay toos u maamulayso Hawadeeda, isla markaana ay meesha ka saarayso iskaashi kasta oo qaramada midoobay ay kala lahaayeen Maamulka Hawada Soomaaliya.

Wuxuuna qaramada Midoobay ugu baaqay inay ka fiirsadaan go’aanka ay qaateen oo sida uu sheegay meesha ka saaraya dhexdhexaadnimadii , isla markaana waxa kale oo uu ka digay inay cawaaqib xumo ka dhalanayso haddii muran iyo khilaaf laga abuuro Maamulka Hawada Soomaaliya.
Sidoo kalena ay talaabadani wax weyn u dhimayso wadahaladii u dhexeeyay  dawlada Somaliland  iyo dawlada Somalia.

Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu  si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa Maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dawlada Federaalka ah, taas oo uu ku tilmaamay mid gef ku ah Qaranka somaliland, dhaawacaysana degenaanshiyaha iyo Iskaashiga Qoomiyadaha Somalida, siiba somaliland iyo Soomaaliya oo 22 sanadood ka hor noqday laba dawladood oo siman waa sida uu hadalka u dhigaye “Ma aqblayno in Hawada Somaliland laga maamulo Muqdisho, talaabada ay qaramada midoobay qaadayna waanu cambaareynaynaa, mana ah mid aanu u hogaansamayno”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin culus u diray beesha Caalamka, isagoo yidhi,  “Somaliland way la garnaqasanasaa Beesha Caalamka, waana ka garhelaysaa, Somaliland nabada way taqaanaa, Coolada waa taqanaa, labadaa kii lagula dhaqmo ayuunbaanay ku taagantahay”.

Dhawaaqa Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi , ayaa daba socda hadal ka soo yeedhay Wasiirka Hawada  gaadiidka Dhulka Soomaaliya Mr Ciil-mooge ku shaaciyay in si rasmiya loogu wareejiyay dawlada federaalka Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay somaliland ku jirto, ka dib qoraal uu raysal wasaaraha Soomaaliya u qoray qaramada Midoobay oo lagu dalbaday in lagu soo wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *