DuurBurco(Araweelo News Network) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Kadib

mudaharaad rabshado wata oo shalay ka dhacay halkaa.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xalay safar guure ah ugu baxay. Kadib markii ay rabshadahaasi sababeen dhimashada hal qof oo shicib ah iyo dhaawac soo gaadhay laba qof, taas oo ay sabab u ahaayeen Ciidanka RRU ee sida Milateriga u tababaran, kuwaas oo rasaas ku furay dad taageersanaa hawlgal Maamulka Dawlada Hoose ku xeraysay gaadiidka Iskarogooyinka oo ka cawday amar lagu joojiyay Ciida Niista laga gurto inta u dhaxaysa labada Biriish ee  Magaalada sida uu sheegay Maayarka Burco.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa kulan la yeeshay Qoyska uu kasoo jeedo marxuumka ku dhintay rasaasta loo adegsaday dadka shacabka ah, kaas oo ay qoyskiisu diideen in la aaso, basle ay aqbaleen qoyskiisu in la aaso maanta, isla markaana wasiirka ayaa balanqaaday in Askariga falkaa geystay oo shalay xabsiga loo taxaabay si deg deg ah Maxkamad loo horgeynayo.

Masuuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Degmada ayaa shalay sheegay in aanay garanayn cidii bixisay amarka ay ciidanka RRU ku timi goobta,  iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah, isla markaana dadka kusoo ururay dawlada Hoose ay ahaayeen kuwo taageersan talaabada dawlada Hoose ka qaaday gaadiidka Iska Rogooyinka ee lagu mamnuucay in Niista laga guro dooxa u dhexeeya labada Biriish sida uu sheegay Maayarka Magaalada Burco.

Dhinaca kale waxa jira heegan la doonayo in lagu xoojiyo amaanka , iyadoo ciidanka amaanku ilaa xalay wadeen hawlgalo la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka, iyadoo Bandaw lagu soo rogay Magaalada Burco, kaas oo ay xukuumaddu amar ku bixisay kadib mudaharaadkii shalay ka dhacay halkaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *