Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa Ciidamo Boolis ah ku daadisay Maanta  Xarunta Wargeyska Huubaal ee Magaalada Hargeysa. Kadib markii sida lag baahiyay Warbaahinta Dawlada Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ay Maanta

 

Xayiraad ku soo rogtay Wargayska Hubaal ee ah wargeys Maalinle Madaxbanaan  oo kasoo baxa Caasimada Hargaysa.

Amarka Xayiraada ee Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex soo saartay  oo lagu baahiyay  Idaacada radio Hargeysa, waxa lagu sheegay in uu ku  soo saaray Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Faysal C/laahi Ismaaciil (Faysal Dhaga-dhago).

Sida lagu sheegay qoraalka amarka Xayiraada Maxkamadda ee xarunta iyo Xafiiska Wargeyska Hubaal ayaa ujeedadiisa lagu sheegay dalab uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku u Gudbiyay Maxkamada Gobolka .

Sidoo kale Qoraalka Maxkamadu soo saartay ayaa lagu amray in Wargayska Hubaal aanu dalka ka soo bixi Karin,Laguna Daabici Karin dhamaan Madbacadaha dalka ku yaala, ilaa Amar danbe ka soo baxayo Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex, iyadoo  Garsooraha ku saxeexan qoraalka Maxakmadda  uga digay Cidii lagu qabto iyadoo daabacaysa Wargayskaas in la hor gayn doono Sharciga.

Dhinaca kale go’aanka Maxkamadda markii laga baahiyay warbaahinta dawlada , waxa Xarunta Wargeyska Hubaal oo ku taal Wadada Togdheer Street ee Magaalada Hargeysa la geeyay Ciidami Boolis ah, kuwaas oo qufulay Xaruntii Wargeyska, isla markaana debeda u saaray hawl wadeenadii wargeyska oo doonayay inuu shaqadooda bilaabaan.

Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal Suxuga Caanka ah ee C/llaahi Aadan Cumar (Wayab) ayaa sheegay in aanay garanayn sababta xarunta wargeyska Hubaal loo soo weeraray, isla markaana wuxuu xusay in aan jirin wax eed ah oo lagu sheegay qoraalka Xayiraada ee Maxkamadda, kaas oo sida uu xusay aanay Maxkamaddu awood u lahayn, maadaama aanay jirin wax dacwad ah oo loo haystay.

Gudoomyaha Hubaal C/llaahi Aadan Cumar, waxa uu Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga u sheegay in mar hore weerar dhinaca dawlada kaga yimi oo waxyeeelo dhaawac loogu geystay Mareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Jaamac Calooley, kaas oo ay fuliyeen qaar ka mid ah Askarta Ciidanka Booliska oo wejiyada soo duubtay, balse aan ilaa hada sharciga la horgeyn cidii weerarkaa fulisay iyo kuwii ka danbeeyay.

“Maanu filayn arrintan in maxkamaddu sabab  la’aan go’aan xayiraad ah u saarto wargeyska Hubaal, mana aha wax dharci ah, dalku wuxuu leeyahay Dastuur damaanad qaaday Xoriyada saxaafada, mana xidhi karto Maxkamaddu sabab la’aan wargeys haysta ruqsad sharci ah.” Ayuu yidhi C/llaahi Wayab.
Mar la weydiiyay waxa loo aanaynayo talaabada dawlada ee noocan ah, waxa uu sheegay inay filayaan inay xidhiidh la leedahay war ku saabsanaa wefdi uu watay Ganacsade Yamani ah oo degan Masar.

Dhinaca kale Taalabada xayiraayada wargeyska Hubaal lagu qaaday, ayaa u muuqata mid cabsi gelin ah oo la doonayo in xaqiiqda lagaga leexiyo raysal caamka bulshada Somaliland, iyadoo wargeyska Hubaal si weyn u baahiyo dhaliilaha siyaasadeed iyo kuwa maamul ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Talaabada noocan ah ayaa si cad u muujinaysa in xukuumaddu si badheedh ah u qaaday qorshayaal la doonayo in lagu xakameeyo xoriyatul qawlka iyo xoriyada saxaafada Madaxa banana, taas oo gef iyo meel ka dhac ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka, isla markaana muujinaysa inay awooda iyo xukunka Somaliland koox yari ku ilaaliyan danohooda, iyagoo baalmaraya sharciga  iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *