Madaxweyne Siilaanyo  Oo dhagaxdhigaya guriga martida Burco Nov 2012Burco(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa qandaraaska dhismaha Guriga Martida ee Burco si hoose u siisay laba xildhibaan oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ka tirsan

koox yar oo tan markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada dalka dabayaaqadii 2010, lagu naas nuujinayay mashaariicda Madaxtooyaddu maamusho iyo qandaraasyada loo maamulo qaabka aan waafaqsaynay Dastuurka iyo shuruuda dalka ee  ku dhisan eexda iyo qaraabakiilka.

Labadaa xildhibaan oo kala ah Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Waabeeyo , ayaa dhowaan xukuumaddu si hoose u siisay dhismaha qandaraaska Guriga Martida ee laga dhisayo xarunta gobolka Togdheer ee Magaalada Burco, kaas oo Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay Nov, 2012.  mar uu booqasho ku tegey xarunta gobolka Togdheer iyo deegamada gobolada Bariga Somaliland.

Sida ay Degelka  Arraweelo.com  u sheegeen qaar ka mid ah ila wareedyo indhaha ku hayay dhismaha gurigaa oo ka kooban sadex dabaq , isla markaana aan si cad loo ogayn lacagta ku baxaysa ayaa si hoose loo siiyay dhismihiisa maalmihii lasoo dhaafay  Labada Xildhibaan ee Cali Mareexaan  iyo Waabeeyo , kuwaas oo durba bilaabay dhsimaha gurigaa,  iyadoo aanu jirin wax tartan ah oo lagu bixiyay qandaraaska dhismahaa.

Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Saxiibkii Xildhibaan Waabeeyo waxay ka mid yihiin koox yar oo shidhka ugu jirta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo labadii sanandood iyo dhawrkii bilood ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ka talinaysay la siiyay qandaraasyo iyo mashaariic waaweyn oo qaarkood ku kacayaan macaash malaayiin doolar ah.

Qandaraasyadaa  oo aan la marin sifaha sharciga iyo dastuurka dalka ee jideeyay  in qandaraasyada iyo mashaariicda xukuumaddu bixinay  iyo kuwa Hay’addahu bixinayaan ay noqdaan kuwo ay muwaadiniintu u sinaadaan oo qaab sharci ah loo mariyo gudida qandaraasyada qaranka  si ay u baahiyaan, balse inta badan labadii sanadood ee u danbeeyay  waxay gudida qandaraasyadu ahaayeen kuwo aan wax shaqo ah hayn, iyadoo Madaxda dawladu qandaraasyada sida ay doonaan u maamushaan, isla markaana ay siiyaan cida ay doonan, taas oo meesha ka saartay balanqaadyadii xiligii Ololaha ee Madaxweyne Siilaanyo shacbiga u balanqaaday in ay muwaadiniintu u sinaan doonaan qandaraasyada iyo mashaariicda xukuumaddu bixinay oo loo marayo sifo sharciga waafaqsan, balse dhawaaqyada balanqaadka noocaa ah ayaa noqday mid aan soo dhaafin masraxyadii kaanbaynka ee kulmiye xiligii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee ee 2010.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Madaxweyne iyo Siilaanyo iyo xukuumaddiisu koox yar oo keliya ku keebeen mashaariicda iyo qanadaaryada  xukuumadda iyo kuwa hay’addaha oo sidan oo kale Madaxtooyadu ugu leedahay lug  weyn shaqsiyaadka iyo shirkaddaha la siinayo, kuwaas oo dhamaantood isugu soo ururaya koox yar oo saamayn siyaasadeed  iyo awood badan ku yeeshay talada dalka tan iyo bilawgii xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo la wereegtay hogaanka dalka.

 

Xigasho www.http://arraweelo.com/

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *