SamaaleHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale  oo ku sugan Dalka Britain, isla markaana ka mid ah wefdiga Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa

hor istaagay dalab hantidhawrka Guud ee qaranku u gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda oo uu kaga dalbaday in shaqada laga joojiyo Maamulaha Xafiiska Cashuuraha Beriga Berbera C/xakiim Maxamed Guuleed (Cawaale) iyo laba qof oo mid yahay Haweenay qasanjiyad ah, kuwaas oo Hantidhawrku sheegay in su’aalo laga weydiinayo arrimo musuq-maasuq oo baadhitaankoodu socday.

 

Qoraal uu hantidhawrka guud kaga dalbaday  in shaqada laga joojiyo Maamulaha Xafiiska  Cashuuraha Beriga iyo labada qof ee shaqaalaha ah ayuu u gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda, taas oo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu aqbalay, isla markaana ku amray shaqaalahaa inay soo galaan Hargeysa si wax looga weydiiyo arrimahaa sida uu daabacay Wargeyska Hubaal cadadkisii 244 ee soo baxay Jimcihii 17 May, 2013.
Hase yeeshee dalabka Hantidhawrka iyo amarka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo kusoo beegmay xili Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Samaale iyo Wasiir Dawlihii Wasaaradda Maaliyadda Cadaani ay dalka ka maqan yihiin, ayaa noqday waxba kama jiraan. Kadib markii sida ay sheegeen wararka la xidhiidha arrimhaa oo shebekadada Degelka Arraweelo.com heshay  uu Wasiirka Maaliyaddu khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isagoo ka dalbaday in la hakiyo arrintaa ilaa inta uu dalka kusoo laabanayo.

Sidoo kale arrinta dalabka Hantidhawrka iyo Agaasimaha Maamilyada ee fulinaya dalabkiisa  ah in shaqada laga joojiyo Maamulaha  Xafiiska Cashuuraha Beriga Berbera iyo labada qof ee shaqaalaha ah oo mid tahay haweenay ayaa noqotay mid  dhinaca Madaxtooyadda  aan laga soo dhowayn , taas oo ay hakinteeda isku maandhaafeen Wasiirka Maaliyadda oo safar ku jooga dalka Ingiriiska iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo fulinayay dalabka Hantidhawrka Guud ku dalbaday sadexdaa qof inay shaqada ka joojiso wasaaraddu si xafiiska Hantidhawrku wax uga weydiiyo arrimo musuq-maasuq oo dhacay.

Dhinaca kale arrimahan ayaa soo ifbaxay kadib markii Wargeyska Hubaal cadadkisii 243 ee soo baxay Khamiistii 16 May 2013 daabacay in Cabdi Jaamac Cali oo ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Berbera hantidhawrka Guud ka  qabtay Hargeysa isagoo fasax ku jooga, iyadoo xadhigiisa lala xidhiidhiyay in uu kiis u sameeyay  Maamulaha  Xafiiska Cashuuraha beriga ee Berbera , isla markaana mudo ku dhow bil uu rumaan ugu xidhanyahay xabsiga,  iyadoo aan maxkamad la horgeyn.

Wargeyska Hubaal wuxuu ku sheegay xadhiga Cabdi  Jaamac mid aan loo marin sifaha sharciga, isla markaana uu mudadaa u xidhnaa Hantidhawrka iyadoo aan wax Maxkamad ah la horgeyn.

Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa Madaxweyne Siilaanyo awood u siiyay inuu baadhi karo meel walba iyo xafiis walba oo loo tuhmo musuq-maasuq, balse taas ayaa noqotay mid aan waxba ka jirin, iyadoo aanay  Masuuliyiinta xukuumaddu indhaha ka qarsan Hantidhawrka guud, isla markaana  musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta ka dhaca Hay’addaha dawlada iyo xafiisyada qaarkood aanu awoodin inuu fooda geliyo hantidhawrka guud, balse meelo gaar ah mararka qaar loo diro oo lagu jiheeyo si dadka loogu tuso dhaqdhaqaaqa Hantidhawrka mid shaqaynaya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *