Hargeysa(Araweelonews)- Xukuumada  Madaxweyne Riyaale ayaa dib uga noqotay amarkii ay ku joojisay tartanka koobka loogu magac daray Nabada ee Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamed Siciid hor istaagay maalintii shalay, taas oo keentay rabshado gacan ka hadal ah oo dhexmaray  cutubyo ka tirsan ciidanka Bilayska Somaliland iyo dhalinyaro doonayay inay galaan Garoonka Hargeysa Stadium, kuwaas oo hal  qof dhaawac halis ahi kasoo gaadhay rasaasta ay ciidanku u adeegsadeen dhalinyaradaa.

Hase yeeshee  Wasiirka Ciyaaraha   oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay fasaxeen ciyaarihii ka socday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium . laakiin waxa uu Wasiirka Ciyaaraahu  ka dalbaday xisbiga KULMIYE inya xidhiidhka Wasaaradda ku wareejiyaan wixii kharshaad iyo qalab ay ugu tallo galleen tartanka Koobkaa, wuxuuna  khasaarihii ka dhacay ku eedeedayay  xisbiga KULMIYE, isagoo ku  dooday  inay baal-mareen sharcigii iyo nidaakii u yaallay Ciyaaraha dalka.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu eedayn culus u soo jeediyey Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo mudanahaa ku tilmaamay inuu hor kacayay dhallinyaraddii ciyaartoyga ahaa ee iska hor imaadku dhexmaray  iyaga iyo Bilayska.

dhawaaqa Wasiirka Ciyaarahu kaga laabtay go’aankii uu ku joojiyay tartanka koobkaa ayaa warar xog ogaal ahi sheegeen inuu ka danbeeyay canaan kulul oo kaga timi Madaxweyne Riyaale.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka booqday Caaqilka ku dhaawacmay rabshadahaa, isagoo markii danbena soo maray waadhadhka Cisbitaalka.
By, Carraale M. Jama
Araweelonews. Hargeysa, Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *