Hargeysa (Araweelonews)- Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa markii u horaysay shaaca ka qaaday mudada la qabanayo doorashooyinka dib u dhaca badani ku yimi ee Madaxtooyada oo si weyn loo sugayay.

Munaasibad aad  loo agaasimay oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayay kaga dhawaaqeen in bisha Juun ee fooda inagu soo haysa 2010, u qorsheeyeen qabsoomida doorashada,  isla markaana May 2010 ay qaybinayaan Kaadhadhka codbixinta oo ay hore u sheegeen inay bedelayaan.

Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Qaranka Ciise Xamari oo ka hadlay kulankaa oo Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ku saxeexayeenXeerka Anshaxa Doorashada, waxa uu xusay inay hawlaha diyaargawga doorashadu meel wanaagsan marayaan, isla markaana kaadhadhka bedelka ee cod bixinta ay qaybinayaan todobaadka u horeeya  bisha May. Sidoo kalena bisha Juun 2010 la qabanayo doorashada. Laakiin ma jirto maalin ay komishanku u asteeyeen maalinta loo dareerayo  cod bixinta doorashada, iyagoo xusay inay dib kasoo saari doonaan maalinta cod bixinta.

Kulanka lagu saxeexayay xeerka doorashada waxa ka qayb galay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka qaranka ee Ghana iyo marti sharaf kale, waxaana heshiiskaa saddexda xisbi u kala saeexay Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax.

Muuqaalka masuuliyiinta saddexda xisbi oo saxeexaya heshiiska

Hadalo kooban oo ay halkaa ka jeediyeen masuuliyiinta saddexdda xisbi waxay ku sheegeen inay ixtiraamayaan heshiiskaa, iyadoo mid waliba dhinacooda sheegay inay balan qaadayaan fulintiisa, balse masuuliyiinta mucaaridku waxay si cad u sheegeen inay xukuumadu inay warbaahinta qaranka keligeed adeegsato, iyadoo ku fulisa danaha xisbigeeda UDUB.

Sidoo kale labada Guddoomiye ee  Guddiyada Doorashooyinka Somaliland iyo Ghana  Mr. Ciise Yuusuf Maxamed iyo Mr. Afari-Gyn oo iyana halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan in Xisbiyadu fulin doonaan Xeerkaa. Isagoo  Guddoomiyaha Komishanka Ghana sheegay inuu dhinaciisa aad ugu kalsoon yahay  inay  Guddida Doorashooyinka Somaliland   fulin doonaan hawlaha culus ee loo igmaday oo ay si caddaalad ah u maamuli doonaan.

Araweelonews Office Hargeysa .

By,  Carraale M. Jama

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *