Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay muddada ay u qorsheeyeen inay Dalka ka qabsoonto doorashada  muda dhaaftay ee madaxtooyada  oo dhawr  jeer dib u dhac  badani ku yimi. Ka dib markii xukuumada Madaxweyne Riyaale muddadii Distooriga ahayd ee la doortay dhamaatay May, 2008,

isla markaana muda kordhin loo sameeyay tiraba Afar jeer , taas oo  murano iyo khilaafyo  siyaasadeed  oo  hadheeyay  Somaliland  sannadii u danbeeyay ka dhasheen , iyadoo laysku maandhaafay sharciyada  talaabooyinkii  golaha guurtidu muda kordhinta ku samaynayeen.

Inkasta oo talaabooyinkaa  muda kordhintu ahaayeen kuwa horseedka u ahaa khilaafka iyo muranada siyaasadeed ee hadheeyay saaxada siyaasada Somaliland mudooyinkaa, balse waxay xaaladu faraha ka baxaday. ka dib markii xubnihii hore  ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku  laaleen  july,  2009, rajadii iyo yididiiladii shacbiga ee hawshii diiwaangelinta iyo waraaqaha kaadhadhka  aqoonsiga, iyagoo taageero ka helaya Madaxweyne Riyaale.

Talaabadaa lama filaanka ee xubnaha  Komishankii hore qaadeen , waxa ka dhashay khilaafkii  abuuray kacdoonadii sida weyn u gilgilay xaalada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland bilhii August –sep 2009. Kuwaas sababay in xukuumada  Madaxweyne Riyaale Amar ku bixiso in Albaabada loo xidho xarunta Golaha wakiilada oo ah golaha keligii ku jooga mudadii Distooriga ahayd ee la doortay.

Inkasta  kacdoonadaasi ku  dhamaadeen  deganaansho  markii la gaadhay xal lagu dejinayo xaalada oo ay beesha caalamka iyo daneeyayaasha geedi socodka dumuqraadiyadu dedaal weyn iyo gurmad  ka galeen, isla markaana soo bandhigeen heshiis ka kooban Lix qodob oo loo arkayay xal, kaas oo noqday mid xaalada dejiya oo abuuray jawi degenaansho iyo in hore loogu socdo oo lagu celiyo Somaliland  jidkii nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Waxaana meesha laga saaray gebi ahaanba xubnihii Komishanka, iyadoo la doortay xubnaha komishanka cusub, kuwaas oo  bishii Oct, 2009 la horgeeyay golaha wakiilada Somaliland. Rayalcaamka Bulshada  ayaa si weyn ugu riyaaqay xubnaha cusub ee Komishanka, isla markaana qaabkii ay bilawgiiba hawshooda wadajirka ugu bilaabeen ayaa shacbiga u  bidhaamiyay  rajo iyo yididiilo hor leh oo horseedi kara  doorashooyin xor ah oo dalka ka abuura isbedel siyaasadeed.  Iyadoo yididiilada iyo rajada soo noolaatay si weyn hoos ugu riday socdaaladii ay dhalinyaradu dalka kaga haajirayeen sannadii u danbeeyay, kuwaas oo si xawli ah tiradoodu usii kordhaysay markasta oo dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Inkasta oo talaabooyinkii foosha xumaa ee komishankii hore qaadeen ahaayeen kuwo dadka arrimaha siyaasada  falanqeeyaa ku sifeeyeen kuwo xadhkaha lagu hogaaminayo ay  jiidayeen shaqsiyaad qarsoon oo ka baxsan xayndaabka siyaasada Somaliland iyo masuuliyiintii mayalka u hayay, balse jawaabihii gedoodkii shacbiga iyo dhawaaqyadii  xisbiyada mucaaridka oo taageero ka helayay  saaxiibada iyo daneeyayaasha Somaliland ayaa fashilayay  isku dayadii siyaasadahii foosha xumaa ee mudooyinkaa ku jihaysnaa  qaranimada Somaliand.

Illaa hada  dhawaaqa komishanka  cusub ee doorashooyinku ku shaaciyeen kulankii taariikhiga ahaa ee April  13, 2010, wuxuu rayalcaamka bulshada Somaliland u muujiyay rajo iyo yididiilo saamayn ku yeelanaya mustaqbalkooda siyaasadeed iyo masiirka wixii ay u halgamayeen  mudada dheer, iyadoo dhinaca kalena talaabooyinkaa rajada iyo yididiilada xanbaarsani weji gabax iyo  dhirbaaxo taariikhi ah ku noqon doonto kuwa kasoo horjeeda geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.

Laakiin taa macneheedu maaha in durba lagu sunto  in la gaaddhay guusha yoolka iyo hadafka  siyaasadeed, isla markaana  ay meesha ka bexeen  siyaasadaha  iyo loolanka ay doonayaan inay ku minjo xaabiyaan qadiyada  madaxbanaanida Somaliland kuwii hormoodka u ahaa wixii dhacayay dabayaaqadii sannadkii tegey ee 2009, waxaana loo fasiran karaa safarada kulamada qarsoodiga ah ee qaar ka mid ah masuuliyiinta Somaliland waqtigan kaga qayb gelayaan shirar ku saabsan Soomaaliya inay qayb ka yihiin siyaasadihii gamcaha shisheeye oo hada qaab dublamaasiyadeed loo hagayo, kuwaas oo la doonayo in lagu minja xaabiyo rajada iyo yididiilada qadiyada madaxbanaanida  shacbiga Somaliland.

Hase yeeshee siyaasada dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ay rimuutka ku hagayaanErgayga Qaramada  midoobay ee Arrimaha Soomaaliya iyo kooxaha dalalka Carbeed ayaanay ka muuqan wax tilmaamaya inuu guulaysanayo, maadaama ay hormoodka daneeyayaasha  geedi socodka Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland si cad u garab taagan yihiin qabsoomida doorasho xor ah oo ka dhacda  bilaha soo socda  Somaliland, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo gudoomiyaha gudida doorashooyinka Ghana oo goobta heshiiska xisbiyada iyo dhawaaqa muadada doorashada garab taagnaa  dhigiisa doorashooyinka Somaliland.  Waxaana la rumaysan yahay inay  qabsoomida Doorasho xor ah oo  Somaliland ka dhacdaa wax weyn ka bedelay mandaqada geeska Afrika , isla markaana natiijadeedu horseed u noqon karto mustaqbalka masiirka shacbiga Somaliland inay garwaaqsato beesha Caalamku.

Balse dedaal kasta oo daneeyayaasha Somaliland hormood ka yihiin waxa hubaala in aanu guulaysanayn, haddii aanay dareensanayn  Bulshadu loolanka siyaasadeed iyo doorka ay ku leeyihiin guusha iyo guuldarada. Sidoo kale talaabooyinka xubnaha komishanka iyo go’aanadooda ayaan iyana indhaha laga lalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan guusha iyo guuldarada, iyadoo la xusuusan yahay raadadkii foosha xumaa ee xubnihii ka horeeyay  ka tageen.

Si  kastaba ha ahaatee waxa loo baahanyahay  inay xubnaha komishanka cusubi maanka ku hayaan masuuliyada culus ee ay hayaan iyo inay gamcohooda saaran yihiin  masiirkii Umadda iyo mustaqbalka  aayaha danbe ee Somaliland, isla markaana ka midha dhaliyaan dhawaaqa sida weyn u iftiimiyay rajada ee dib u nooleeyay dhirbaaxooyinkii  iyo dhaawacyadii ay quluubta shacbiga gaadhsiiyeen xubnihii hore ee Komishanka qaranku .

Faallo  By, Carraale M. Jama

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *