Hargeysa(Araweelonews)- Xukuumada Madaxweyne Riyaale ayaa dib uga noqotay amarkii ay ku joojisay tartanka koobka loogu magac daray Nabada ee Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamed Siciid hor istaagay maalintii shalay, taas oo keentay rabshado gacan ka hadal ah oo dhexmaray cutubyo ka tirsan ciidanka Bilayska Somaliland iyo dhalinyaro doonayay inay galaan Garoonka Hargeysa Stadium, kuwaas oo hal qof dhaawac halis ahi kasoo gaadhay rasaasta ay ciidanku u adeegsadeen dhalinyaradaa.
Hase yeeshee Wasiirka Ciyaaraha oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay fasaxeen ciyaarihii ka socday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium . laakiin waxa uu Wasiirka Ciyaaraahu ka dalbaday xisbiga KULMIYE inya xidhiidhka Wasaaradda ku wareejiyaan wixii kharshaad iyo qalab ay ugu tallo galleen tartanka Koobkaa, wuxuuna khasaarihii ka dhacay ku eedeedayay xisbiga KULMIYE, isagoo ku dooday inay baal-mareen sharcigii iyo nidaakii u yaallay Ciyaaraha dalka.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu eedayn culus u soo jeediyey Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo mudanahaa ku tilmaamay inuu hor kacayay dhallinyaraddii ciyaartoyga ahaa ee iska hor imaadku dhexmaray iyaga iyo Bilayska.
dhawaaqa Wasiirka Ciyaarahu kaga laabtay go’aankii uu ku joojiyay tartanka koobkaa ayaa warar xog ogaal ahi sheegeen inuu ka danbeeyay canaan kulul oo kaga timi Madaxweyne Riyaale.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka booqday Caaqilka ku dhaawacmay rabshadahaa, isagoo markii danbena soo maray waadhadhka Cisbitaalka.
By, Carraale M. Jama
Araweelonews. Hargeysa, Office
info@araweelonews.com