Boosaaso(ANN)Shirkaddhinaca ganacsiga ah oo lagu magcaabo Societe Jabbour, isla markaana  laga leeyahay dalka Lubnan ayaa xoolo ka qaadatay markii u horaysay  Somalia, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland. Markab lagu magacaabo Heidi Plus Beirut oo ay leedahay Shirkadda

 

xoolo dhoofinta
oo fadhigoodu yahay dalka Lubnaan ayaa  shixnadii u horaysay  oo isugu jira Lo’ iyo Adhi ka qaaday Dekeda magaalada Boosaaso.
Munaasabad Lagaga dhawaaqay Heshiiska  Xoolaha Loogu dhoofinayo Dalka lubnaan, oo ay soo qaban qaabisay shirkadda soomaaliyeed ee Xoola dhoofinta ee (Somali Livestock)  ayaa shalay ka dhacday Dekeda Boosaaso, Waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay maamulka Puntland,  Ganacsatada Reer Lubnaan ee xoolaha qaadanaysa, Maamulaha shirkadda somalia Livestock,  Maamulaha Maxjarka Boosaaso, Rugta Ganacsiga Puntland iyo Marti Sharaf kale.
Maamulaha Maxjarka Boosaaso Maxamed Faarax Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa  sheegay inay tahay Markii ugu horraysay Taariikhda xoolodhoofinta Soomaalida, Loo dhoofiyo Meel ka baxsan Wadamadii Caadiyan xidhiidhka Ganacsi ee Xoolaha la gayn jiray ee  Khaliijka Carabta.
Wuxuuna  sheegay in Dalka Lubnaan ay tahay Markii u horraysay oo uu qaato Xoolo Nool, islamarkaana ay rajaynayaan in Dalal kale oo ay ka mid tahay dalka Masar Toddobaadka dambe loo dhoofin doono Xoolaha Soomaalida.
“Runtii  mashruucan waa mashruucii 1aad oo Xoolo nalooga qaato Lubnaan, Faa’iido  Badan ayuu  leeyahay,  Waxaanan u mahadcelinayaa dadkii ka qaybqaatay Furida ganacsigan xoolaha loogu dhoofinayo Lubnaan, Gaar ahaan shirkadda Xoolo dhoofinta ee Somali Livestoc” ayuu yidhi maamulaha maxjarka Boosaaso Maxamed Faarax.
“Halkan Waxaa nala jooga Nimanka Ganacsatada ee Lubnaan ka yimid oo lacag naqdi ah ku iibsaday Xoolaheenii, Waxayna doonayaan in Mashruucani noqdo mid si joogto ah uga hirgala Somalia. Waxaana soo socda   oo safka ku soo jira oo dhowaan furmaya Suuqyadda Urdun (Jordan) , waxaa kaloo naloo furay suuqa Masar. Markabka Markabkan ku xiga wuxuu tegi  doonaa Dalka Masar, Xoolihiisiina Maalinta Sabtida ayay soo bilaabmayaan, Ganacsatadii Iibsan lahayd waa joogaan” ayuu sii raaciyay.
Guddoomiyaha Shirkadda Xoolo Dhoofinta Soomaaliyeed ee Somali Livestock,  Cumar Ismaaciil Waaberi, ayaa sidoo kale  sheegay in Muddo Sideed ilaa Sagaal bilood  ah  ay safaro ku Tagayeen Dalka Lubnaan, isla markaana ay kusoo guulaysteen in heshiis Xoolo dhoofin ah lasoo galaan ganacsatada Xoolaha dalka lubnaan.

Gudoomiyaha shirkadaa Cumar, Waxaa uu sharaxaad ka bixiyay tiradda Xoolaha iyo Noocyadda Xoolaha ay u dhoofinayaan Dalka Lubnaan, wuxuuna yidhi:- “ xoolaha hadda Lubnaan u baxaya waa labo Nooc , waa Lo’ iyo Adhi. Markabkan wuxuu qaadayaa 2000 kun oo Lo’ ah  iyo 2500 oo Adhi ah, Markabku wuu ka mug weyn yahay intaa, oo wuxuu qaadaa xoolo intaa ka badan. Bishii Labo jeer ayuu markabkan Boosaaso ku soo laabanayaa isagoo Xoolo ka qaadi doona”.
Guddoomiyaha shirkada Livestock,  isagoo ka hadlaya shirkadiisa iyo Hadafyadeeda, wuxuu sheegay in Markasta ay u taagan yihiin sidii ay dalka u keeni lahaayeen Mashaariic dalka iyo Dadka hormar u keenaysa.
“Shirkadda Xoolo dhoofinta Soomaaliyeed waa shirkaddii ku guulaysatay inay hergeliso Maxjarka caalamiga ee Boosaaso, Waa shirkadii ku guulasatay in Xoolaha soomaaliyeed  u furto Suuqyadda sucuudiga oo muddo farabdan ka xidhnaa. Waa shirkadii Xoolo gaysa Dalalka Imaaraadka carabta Muddo Lix sanno ah markii ay xidhnaayeen Suuqyadaa” ayuu yidhi Cumar Waaberi.
Waxaa kaloo Munsaabada ka hadlay Kabtanka Markabka  Heidi Plus Beirut  oo lagu Magacaabo Wassim Hamade,  waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Puntland, xidhidh Ganacsi oo xoolo dhoofintuna dhexmarto, Islamarkaana anay noqon doonin markii u dambaysay, balse ay rajaynayaan inay sii wadaan sidii ay u qaadan lahaayeen xoolaha Soomaalida.
dhinaca kale xoolaha loo qaadayo dalalka Lunbaan, Masar iyo Urdun ayaa kusoo beegmay, xili uu soo fool leeyahay suuqa xoolaha ee carafada oo dalalka Khaliijka gaar ahaan sucuudiga loo raro xoolaha ugu badan ee Soomaalida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *