somalimemo.netMuqdisho(ANN)Urur-weynaha Al-Qaida ee ay wadamada Reer galbeedku kula jiraan dagaalka ayaa markii u horaysay Deeq ka kooban Raashin, Lacag, Dhar, Kutub  iyo waxyaabo kale gaadhsiiyay kumanaan qoys oo ka mid ah Bulshada Somaaliada ee Abaaraha,  macaluusha iyo colaaduhu

 

aafeeyeen.
Deeqdaa oo ka kooban waxyaabo kala duwan, ayaa  sarkaal sare oo ka tirsan Urur-weynaha Al-Qaida oo lagu magcaabo  Abu Cabdalla Al Muhajir oo Warbaahinta taageersan Al –Shabab kula hadlay gudaha Xerada Alla Yasir oo ku taala Shabeelada Hoose, isla markaana ay ku jiraan kumaan qoys, waxa uu, isagoo  ku hadlayey luqada Ingiriiska, sheegay in kaalmooyinkan ay Al -Qaida ugu tala galeen dadka ay macluusha iyo abaaruhu isugu darsameen ee Soomaalida, taas oo sida uu sheegay uu soo dhiibay hogaamiyaha Al-Qaida Ayman Al Tawahiri
Abu Cabdalla Al- muhaajir Qudbadiisa oo uu kaga hadlay xaaladaha guud ee Soomaaliya ayuu marka hore ugu  sheegay dadka ay kaalmada siiyeen oo uu meel fagaare ah kala hadlay  inuu saalan uga sido hogaamiyaha Al Qaida Amman Al Dawahiri oo ah ninka amray in kaalmada la geeyo Soomaaliya.
Deeqdan ayaa waxa ay isugu jirtay, raashin, dawo dhar, kitaabo iyo lacago kaash ah oo loogu tala galay dad badan oo halkaasi ku jira. Waxa uu tilmaamay in deeqdan ay ku qaadatay mudo dheer in ay Soomaaliya soo gaadhsiiyaan, hase yeeshee muu sheegin gaadiidka ay ku keeneen dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Al Shabab oo isna ka hadlay goobta ayaa faah -aahiyey waxa ay ka koobantahay deeqdan ay Al Shabab ugu tala galeen dadka ay saameysay abaarta ee Soomaaliyeed, isagoo yidhi, “Waxa ay ka koobantahay 2,000 oo xijaab iyo goono oo loogu tala galay in ay isku asturaan haweenka muslimaadka ah, 10,000 oo dhar oo loogu tala galay caruurta, 1,500 oo kitaab Musxafka qur’aanka ah iyo Xisnul Muslim, sidoo kale walaalaheen iyo hogaamiyayaasheena Al Qacida waxay noo keeneen raashin lagu quudiyo caruurta gaar ahaan 1,500 oo gasacado caana boodhe ah, iyo raashin loogu tala galay 4,000 oo qoys,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.
Waa marki ugu horeysay ee ay si badheedh ah Urur-weynaha Al -Qaida  kaalmo sidan oo kale ah  uga qeybiso dalka Soomaaliya, taas oo weliba uu sarkaal ka tirsan Al-Qaida gaadhsiiyay dadka macaluusha iyo dhibaatada colaaduhu ku habsadeen ee Somalia, isla markaana uu sarkaal ka tirsan Al -Qaida meel fagaara ah kala hadlo bulsho Soomaalia ah.
lama garanayo inay deeqda uu Hogaamiyaha Al-qaida u diray Soomaalida soo martay oo ay sideen Maraakiib iyo inay soo martay cirka oo ay sideen Diyaarado, iyadoo ay wadamada maraykanka iyo xulufadiisu sheegaan inay balaayiin dhaqaale ah ku bixiyaan sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqa Al-qaida iyo Ururka Al-shabaab ee dagaalada ka wada Somalia oo lala xudhuudhiyo Urur-weynaha Al-qaida, isla markaana maraakiib waaweyn oo xanbaarsan hub khatar ah iyo qalab, isla markaana qaarkood xanbaarsan yihiin diyaarado noocii ugu danbeeyay ahi ku sugan yihiin sanadii u danbeeyay xeebaha biyaha Somalia. Waxayna talaabada deeqda ahi si cad u xanbaarsanayd awooda iyo saamaynta ay  Al Qaida ku leedahay Somalia iyo doorka  siyaasadeed  iyo dhaqaalle ee ay ku leedahay  dalka Soomaaliya iyo dunidaba  kaleba, taas oo muujinay inay Urur-weynaha Al-Qaida aanay waxba weyn ka bedelin dilalka wadamada Maraykanku hormoodka u yahay ku fuliyeen sanadii u danbeeyay hogaamiyayaashoodii iyo xubno mihiim ahaa oo siyaabo kala duwan loogu fuliyay weeraro qorshaysan. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *