Hargeysa(ANN)- Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Muuse X. Maxamuud (Muuse Inji) ayaa loo magcaabay xoghayaha guud Xisbiga UCID, ka dib markii uu bilihii lasoo dhaafay is casilay xoghayihii xisbiga. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo uu xibiga UCID maanta soo saaray.
Masuulkan loo magcaabay jagadaa oo ahaa xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa dhawr todobaad ka hor uu madaxweyne Rayaale u magcaabay la taliyaha dhinaca saxaafada ee madaxtooyada. Ka hor intii aanu Madaxweyne Rayaale u bixin safarkii uu dhowaan kaga soo laabtay dalka Faransiiska.
Mr. Muuse X. Maxamuud wuxuu dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka tirsanaa saxaafada Somaliland, isagoo xil wasiirnimo kasoo qabtay xukuumadii Madaxweyne Cigaal, wuxuuna markii ugu danbaysay ahaa wasiirka wasaarda war faafinta. Ka hor intii aanu Madaxweyne Cigaal ka qaadin xilkaa toban sannadood ka hor.