Hargeysa(ANN)Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa shirkiisii golaha dhexe maanta uga furmay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa. Shirkaa oo ay ka qeyb galeen in ka badan 700 oo qof,  oo isugu jira 25 Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ugu jiray Xisbiga, 360 ergo oo

 

Golaha Dhexe ah, 33 xubnood  oo Fulinta ah iyo 210 qof oo Marti sharaf ah.

Shirkaa oo  ahaa mid uu si gaara u maamulayay ku simaha gudoomiyaha, ahna Madaxweyne xigeenkii hore, waxa si lama filaa uga  dhex booday mar keliya Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwadii asaasihii xisbigaa Marxuum Cigaal oo dalbatay in talada xisbiga lagu soo wareejiyo.

Shirka oo socday maalin keliya  may jirin wax doorasho ah oo ka dhacday oo lagu soo doortay xubnaha Golaha dhexe, balse waxa uu madasha ka sheegay ku  simaha Guddoomiyuhu inuu soo xulay ilaa 250 xubnood oo ka mid ah Golaha dhexe, isagoo xusay  inuu inta kale oo aan la cayimina soo dhamaystiri doono, mana jirin wax doodo ah oo ka dhacay madasha oo ku saabsan  xeerarka xisbiga iyo Golaha dhexe midna.
Wasiirkii hore ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Cali Maxamed Waran cadde oo ka hadlay shirkaa waxa uu sheegay inay isa soo abaabuleen, isagoo yidhi,  “Waad ogtihiinoo xisbiga tallada dalka ka degaa muddo ayay qaadataa siduu isu soo abaabulaa si uu dagaalka mar kale u galo. Maanta waxaanu soo gabo-gabaynay dib u gurashadii xeesha dagaal ee aanu sanadka iyo googa’a ku qaadanay.”
“Waxaanu ummadda reer Somaliland ee shakiday u sheegaynaa beelaha shiraya ee ka shakisan masiirkooda iyo busaarada baahsan ee wadanka ka dhacday inaanu soo deg degi doono,waxaanu idiin balan qaadaynaa inaanu dalka ka saari doono marxalada labaad ee horumarinta ee saaxiibadayadii aanu meesha u yara dhiibnay ay wadi kari waayeen ee baabuurkii baatroolka badani ku jiray ee aanu u dhiibnay socon kari la’yahay,”ayuu yidhi Cali waran-cadde.
Waran cadde wuxuu sheegay inaanay UDUB dildilaaci doonin, isagoo  yidhi “Waxaan ka mid ahay ragga hungurigu ku jiro laakiin balan waxaan idiinku qaadayaa inaan UDUB dildilaac ka soo bixi doonin sida nacabku filayo oo haddii la ii doortana aan ku hoggaamiyo bash bash iyo barwaaqo haddii saaxiibaday la doortana aan ku garab galo.”


Madaxweyne Ku xigeenkii hore ahna Ku simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay shirkaa ayaa ka waramay marxaladihii ay Somaliland soo martay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay dib u heshiisiintii beelaha, qaramaynta maleeshiyooyinkii hubaysnaa iyo u digo rogashadii hanaankii dimuqraadiga ah, wuxuuna isagoo ka hadlaya guuldaradii ku dhacday xisbigaa xiligii doorashada ka hore yidhi, “Haddii ay noqoto muxuu xisbiga UDUB u dhacay sagaal sanadoodna waxa tallada hayay Cigaal sideed sanadoodna waxa tallada hayay Daahir Rayaale oo labaduba UDUB ah dadkuna waxay jecel yihiin isbedel,”
Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasin  waxa uu ku faanay inay dalka ka suurto galiyeen afar doorasho oo xor ah,maamul fidinta gobolada bari iyo nabadgelyada dalka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa lama ilaawaan ah oo beesha caalamkuna indhahooda inoo soo jeedisay Madaxweyne Rayaale awooda ugu wareejiyay maamulka hadda dalka ka jira iyadoo wax qas iyo qalaan-qal ahi dalka ka dhicin, waxaanu jideeyay dhaqan suuban oo ku dayasho mudan.”


“Guddidii fulinta waanu sameynay oo waa 33 Xubnood, Golihii dhexana waa la dhaariyay 250 ka mid ah oo maanta soo xaadiray, waxaynu marka uu shirkani xidhno aanu galaynaa kaabistii xeerka xisbiga UDUB,”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hase yeeshee Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo mar keliya madasha si lama filaana uga dhex booday ayaa sheegtay in dagaal aanay filayn ay kala kulantay xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale iyo Xisbiga UDUB, waxayna ku baaqday in talada xisbiga  oo ay sheegtay in lala lumay lagu soo wareejiyo si loo badbaadiyo.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxa kale oo ay ka warantay aasaaskii xisbiga UDUB waxaanay tidhi “Waxaan filayaa maalintii ILAAHAY ha u naxariistee uu Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal ka furay shirweynihii aasaaska UDUB aqalka shaqaalaha waxa ka soo wareegtay toban sanadood, intaasi ka dib la iguma arag saaxad ay UDUB leedahay si ay u dhacdayba. Waxay ahayd bishii 3-dii Bishii May Khamiisa Cisbitaalka Milatariga ee Pretoria markii sakaraatul mowtkii ku qabtay Marxuumkii anagoo markaa kaligay la jooga oo uu markaas uun naga baxay Dr. Cali Qaadi waxa I weheliyay Abokor Sulub oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada. Markaa anigaa gunaanadkii la gaadhay waxay ahayd laxdadii nolashayda ugu naxdinta iyo murugada badnayd.”
Marwo Kaltuun waxay sheegay in Madaxweynihii Cigaal dabadii Hoggaankii dalka loo dhaariyay uu dagaal ku bilaabay waxaanay tidhi “Waxa la yidhi Madaxweyne ayaa la sii dhaariyay oo Marxuum- Cigaal ku sii dardaarmay oo uu yidhi waxaan kaga sii tagay Daahir Rayaale, markii aanu maydkii Marxuumka keenay ee la aasay wixiiba waa la iloobay oo daaqada ayaa laga tuuray, maanta waan garnaqsanayaa nin ka naxa iyo nin ku farxowba. Madaxweynihii dalka loo dhaariyay dagaalkii aniga (ooridii madaxweynihii hore) ayuu ka bilaabay.”
“Waxaan garan waayay xisbigii aan aasaaskiisa wax ku lahaa ma UDUB buu ahaa mise Xisbiga KULMIYE waayo naxariistii aan ka waayay UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa waxaan ka helay xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa kuwaasi ayaan sharaftii iyo nabsi bixii ka helay oo I soo dhaweeyay intaasi waa wax dhacday oo aan la diidi Karin waana maalintii u horaysay ee aan wax taabtaabtay,”ayay tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir.
Xaaskii Marxuum- Cigaal waxay ku baaqday in tallada xisbiga UDUB gacanteeda lagu soo celiyo si ay marka dambe cidii loo garto ugu wareejiso maadaama oo gurigeeda lagu soo dhidbay iyadoo arrintaasi ka hadlayaysayna waxay tidhi
“Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, talladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan tallo ku darsan oo aan lahaa inamada loolamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garoobay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii. Faysal Cali Waraabe maxkamad ayaa UCID rag kula galay maxkamadii isaga ayay u xukuntay xisbigii uu aasaasay. Waxaan leeyahay talladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda.”
“Xisbigan la yidhaahdo UDUB waa xisbi gurigayga ku soo dhashay oo aan gacmahayga ku soo koriyay kuna soo gardaadiyay oo aan goobtii la iskugu imanayay ku keenay. Xisbigii UDUB markii uu tallada hayayna waa lala ambaday oo xisbigii waa lala lumay. Maanta waxaan leeyahay rag badan baa UDUB ka tartamaya oo xisbigii mar labaad burburin kara, anigu hooyadii xisbiga ayaan ahay oo xisbigii lexjecelo ayaan ka qabaa. Cidaan muranay iyo xisbiga UDUB kala gooni ayay noqdeen horta waxaan idin leeyhay ha tafaraaruqina oo tallada iskaga tanaasula oo ha is barbar yaacina ee madax iyo mijo kala yeesha,”ayay tidhi Marwo Kaltuun.
Intii ay hadlaysay xaaskii marxuum Cigaal dhawr jeer ayay Hoggaanka xisbiga UDUB isku dayeen inay makarafoonka ka qaadaan hase yeeshee way u suurto geli wayday markii ay ku adkaysatay inay sii wadanayso hadalkeeda.
Shirkaa oo socday maanta oo kelya ayaa laga sheegay in lagu soo qadimayo shirweynaha xisbiga oo dhowaan la qaban doono.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *