Hargeysa (ANN)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa nasiib u yeelatay inay noqoto dalka 4aad qaaradda Afrika ee yeesha furaha macdan-baadhiseed ee loo yaqaan (mine code), kaas oo u gaar ah Dalka Somaliland, isla markaana  suurta gelinaya inay  shirkadaha caalamku u tartamaan soo saarista

macdanaha kala duwan eek u duugan dhulka Somaliland.
Sida ku cad  dukumantiyo iyo xogo Jamhuuriya ka helay qorshaha macdan soo saarita Somaliland ee shirkadda ORANE ZONE iyo wakiilka Somaliland ee Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil oo xiligan  ku sugan caasimadda Hargeysa, waxa ay shirkaddaasi go’aansatay  maalgashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ka fulinayso dalka, kuwaas oo isugu jira baadhista macdanta, tababaridda aqoonyahanno macdaneed oo muwaaddiniin ah, mashaariic lagu horumarinaayo wax-soo-saarka beeraha, xoolaha, ciidammada booliska, bulshada degaannada sahaminta macdan-baadhista ah laga fulin doono iyo dhinacyo kaloo tiro badan.
Shirkadda ORANE ZONE oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn macdan-soo-saarista oo laga leeyahay waddanka Canada, ayaa ku guulaysatay dhawaan inay hirgeliso samaynta fure-macdaneed gaar u ah Somaliland oo muftaax u noqonaya qorshe ballaadhan oo shirkaddaasi ugu talogashay maalgashiga iyo soo saarista qaniimadda macdanta ee ku hoos jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkaddan oo uu dhawaan dalka keenay Wakiilka Somaliland ee waddanka Canada Mr. Maxamed Cumar Ismaaciil, haatanna xarun weyn ka furatay caasimadda Hargeysa, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda bilowdo wejiga labaad ee qorshaheeda oo isugu jira sahamin sugan oo lagu samaynayo macdanaha kala duwan ee ku duugan geyiga Somaliland, waxaana sida qorshuhu yahay hawshaas sahaminta ah ka hawlgeli doona khubaro caalami ah oo ka tirsan shirkaddaas oo xarunteedu tahay magaalada Ottowa ee caasimadda dalka Canada, iyagoo kaashan doona aqoonyahannada macdanta ee reer Somaliland iyo dadka degaannada hawlgalkani ku jihaysan yahay.
Mashruuca samaynta furaha macdanta Somaliland oo ay samaysay shirkadda Nabian Gold Corporation oo ka tirsan kambaniga ugu weyn ee soo saarista macdanta iyo dahabka ugu weyn ee waddanka Canada oo sida la sheegay ay hirgelintiisa ku baxeen lacag lagu qiyaasay malaayiin dollar, kaasoo shirkadaha caalamka u fududaynaya sahaminta, baadhista iyo soo saarista khayraadka ku jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo kharashka ku baxay mashruucaas iyo kuwo cusub oo dhowaan shirkaddaasi dalka ka hirgelin doonto ka mid noqon doonaan maalgashi ballaadhan oo shariikadaha Canada ugu deeqeen Somaliland. 
Maalgashigan oo ah kii ugu horreeyey, uguna ballaadhnaa ee Somaliland ka hesho shirkadaha waaweyn caalamka, waxa gacan weyn ka geystay Mr. Gregory Bowes oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka kamaniga ORE ZONE GOLD oo ay hoostagaan shirkadaha macdanta ee ugu waaweyn dalka Canada iyo mulkiilaha iyo madaxa shirkadda Northern Graphite oo sii maamusha shirkadda Nabian Gold Corporation oo ah ta fulinaysa maalgashiga kambanigaas Canidain-ka ah ka hirgelinaya Somaliland.
MR. Gregory Bowes waa uu ka mid yahay saaxiibadda ugu waaweyn ee Somaliland ku leedahay adduunka, gaar ahaan waddamada Canada iyo Maraykanka oo si weyn looga tixgeliyo, waxaannu xidhiidh aad u adag oo joogto ah la leeyahay xafiiska wakiilka Somaliland ee Canada oo safka hore kaga jira xafiisyada ugu muhiimsan ee Somaliland ku leedahay caalamka.
Madaxweyne-ku-xigeenka kambaniga ORE ZONE Gold Mr. Gregory Bowes ayaa qoraalo u kala diray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  4 August 2010, iyo Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf, qoraalladaas oo uu tafaasiil kaga bixiyey awoodaha waxqabad ee shirkadihiisa macdanta ka shaqeeya iyo qorshihiisa ku wajahan mashaariicda maalgashi ee ay Somaliland ugu talogalee.
Qoraalladaas oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga oo aannu afsoomaalu u turjumnay, waxa aynu ku bilaabaynaa ka uu Mr. Bowes u diray Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhignaa sidan:
“Waxaan si xushmad iyo sharaf leh kuugu hambalyaynayaa guushii wayneyd ee aad doorashadii ka gaadhey, manay ahay mid kelidaa ku soo hoyatey, balse waxay ahayd mid dalka iyo dadka oo dhan u soo hoyatey, waxaanan filayaa inay tallaabo muhiim ah u tahay jidka Somaliland rabto inay bulshada caalamka aqoonsi rasmi ah kaga hesho.
Sida aad ka war qabto shirkadda soo shirkdda macdanta-qodda ee Nubian Gold Corporation, waxay dhawaan dawladda Somaliland la saxeexatay heshiis is-afgarad si ay markii u horreysay dalka uga samayso sahan dhinaca macdan-baadhista la xidhiidha.
Waxa ilaa hadda sugayaa war-bixintii khubarada ku xeel-dheer Cilmiga Macdan-baadhista ee uu wehelinayey safarkii ugu dambeeyey ee dalka Somaliland ku immi, waxaanan rajeynaya in aan mustaqbalka dhaw oggolaanshiiyaha u horreeya helo.
Tani waa qaab fudud oo lagu jiidaynayo shirkada maalgelinta, isla matrkaana ku dhiiri gelinaysa inay dalka yimaaddaan.
Somaliland waxay u baahantay shuruuc casri ah oo ku salaysan dhinaca soo saarista macdanta, lana tartami karta waddamada kale ee Africa, sidaas darteed sida uu dhigayo heshiiska afgaradka waxaan oggolaaday in aan arrintaas idinka caawiyo.
Waxaan hore Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha  ugu gudbiyey faahfaahin ku saabsan shuruucda iyo qawaaniinta dalka ee wakhtigan marka la barbar dhigo kuwa waddamada Tanzania, Burkino faso iyo Eriteria, kuwaas oo ku guuleystey maalgelinta shisheeyaha. Waxaan tallooyin ka bixiyey sida keliya ee Somaliland mustaqbalka dhaw u hagaajin karto, una samayn karti qawaaniin cusub oo dhinaca macdan qodista ah, anigoo tixgelinaya rabitaanka dawladdaada.
Marka sharcigaas cusub ee macdan qodista ee Somaliland noqdo mid caawiya shirkadda Nubian Gold Corporation iyo dedaalkaagu, waxaan dawladda Somaliland si hufan uga caawin doonaa soo jiidashada shirkadaha kale, iyadoo la samaynayo sharci dhex-dhexaad u ah labada shirkadood, dawladda iyo dadka reer Somaliland.
Waxaan sidoo kale jecelay in aan farriintan qaaliya u gudbiyo safiirkiina dalka Canada Mr. Maxamed Ismaaciil oo igu dhiiri-geliyey in aan dalka imaado, waxa uu igula hawlgalay niyad-sami, waxaannu markasta u heelan yahay, maskaxdiisa ku weyn horumarinta dalkaaga iyo dadkaaga.
Laba jeer oo hore, ayaan Somaliland socdaal ku imi, waxaanan rajeynaya in aan markale ku soo laabto si aan adiga iyo shaqaalahaga arrintan ugala hadlo. Inkastoo, shirkadda Nubian Gold tahay shirkad yar, haddana wax badan ayey dhinaca macdan-qodista ka qabatay, maxaa yeelay waa shirkad haddii arrintanu meel-mar noqoto, waxaana rajeynayaa inay shirkadaha kale dhiirigelin u noqon doonto.
Sidaa darteed, ORE ZONE Gold Corporation waxay si ixtiraam leh iidinka codsanaysaa inaydun u fidisaan oggolaansho ay ku soo booqanayso dalka Somaliland si samahamin ugu samayso meelaha ay dalka kaga jiraan macdahana khayriga ee qiimaha leh.
ORE ZONE waa shirkad Canadian ah oo baadha macdanta, isla markaana muddo 15 sannadood ah si aad ah uga shaqaynaysay galbeedka Afrika. Shaqadayada badankeeduna waxay ka socota dalka Burkina Faso, laakiin waxaannu sidoo kale macdanta ka baadhnaa dalalka Mali iyo Niger.
ORE ZONE waxay heshay, sahamisay,  fududaysayna in la helo, isla markaana bilawday dhismaha dahabka  Essakane Gold  ee dalka Burkina Faso, kaas oo ahaa mashruucii horumarineed ee ugu ballaadhnaa ee dalkaas soo mara taariikhda, kharashka ku baxayna wuxuu guud ahaan dhammaa $420 milyan (Afar boqol iyo labataan milyan oo doollar).
Essankane waxa waqtigan iska leh shirkadd weyn oo Canadian ah oo la yidha IAMGold, taas oo ka iibsatay dhigeeda ORE ZONE.  Wax-soo-saarkaasna waxa la rajanaya inuu bilaabmo badhtamaha sannadka 2010-ka, waxana celcelis ahaan sannadkaas ku bixi doona xaddi dhan 351,000 ounce [lacagta Canada].
Ka hor intii aan la samayn qorshaha lagu soo saarayey macdanta waxa mashruuca Essankane ku baxay lacag dhan $50 milyan, waxaanuna ku kharashgaraynay in ka badan $25 milyan, mashaariicdayada kale walina lama go’aamin in midkoodna yahay mid dhaqaale. Sidaad fahamsan tihiin, sahaminta iyo soo-saarista macdantu aad bay qaali u tahay, waana ganacsi khatar badan.
Waxaannu sidoo kale maalgelinay heshiis weyn oo lagu ansixinaayo tayada nolosha bulshada, halkaas oo aannu ka fulinay waxyaabo ay ku jiraan biyo, tacliinta, nadaafada iyo mashaariic horumarineed, taas oo annaga muhiim noo ahayd.
Haddaba, si waddamadu u soo jiitaan shirkadaha waaweyn ee wax-soo-saar waa inay horumariyaan dakhligooda iyo hab-u-socodka shaqadoodda oo guud ahaan ay u sinaadan shacabku, sidoo kalena waxay soo jiidanaysa shirkadaha iyo kuwa kale ee ku tartamaya waddamada Afrika.
ORE ZONE waxay aad ugu faraxsan tahay inay idinkala xaajoto qaab hawleedkan, sidoo kalena idinla naaqishto fursad ay ku soo saarayso ka faa’iidaysiga macdanta khayriga ah ee ku jirta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu hadallo iyo warbixinno wanaagsan ku saabsan wanaagga dadka iyo dalka Somaliland ka maqalnay saaxiibkiiyaga qaaliga ah ee Mr. Tom Bond. Haddaannu nahay ORE ZONE waxaannu ku kalsoonahay khibrada aannu u leenahay macdan soo saarista iyo mashaariicda horumarineed,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalkan.

Dhinaca kale safiirka oo si kooban uga hadlayey sidii uu dalka ku keenay shirkadda Canadian-ka ah iyo masuuliyiinta dawladda ee uu gacan uga helay arrintaas waxa uu yidhi; “Hawshan waxaan soo waday in ka badan saddex sannadood iyo badh, anigoon wax taageero iyo garowshiyo ah midna uga helin madaxda xukuumaddii hore. Haseyeeshee, bishii Ramadaan ee sannadkii hore ayaan u bandhigay madaxweynaha iyo ku-xigeenka Somaliland oo uu maalmahaas uun xilka la wareegay, runtiina way igu hambalyeeyeen, iguna ammaaneen hawsha muhiimka ah ee aan dalka u waday.
Madaxweyne Siilaanyo isagoo sooman ayuu igu duceeyey in Ilaahay ii fududeeyo qorshaha aan shirkadaas dalka ku keeni lahaa, sidaa daraadeed ayaan sii labanlaabay dedaalkaygii, mahadnaqii madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka oo runtii ahaa kuwii iigu horreeyey aan helo, waxaanan ku guulaystay in aan dhawaan Somaliland keeno mid ka mida shirkadaha macdanta soo saara ee ugu waaweyn waddanka Canada oo haatan dalka ka wada maalgashi la xidhiidha soo saarista macadanta Somaliland, kadib markii ay heshiis rasmi ah la gashay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, golaha wasiirada Somalilandna ansixiyeen.”
Safiirka Somaliland u fadhiya Canada oo la waydiyey in uu sharraxaad ka bixiyo waxyaabaha u qabsoomay shirkadda Nubian Corporation muddada ay dalka ku sugnayd, waxa uu ku jawaabay; “Shirkaddani markii u horreysay waxay maalgelisay qareenno caalami ah oo diyaariyey furaha macdanta ee khaaska u ah Somaliland, ahna ka ugu casrisan ee qaaradda Afrika oo dhan.
Intaa kadib, markii shirkaddu dalka soo degtay wejigii hore ee hawlgalkeeda waxay ku bilowday tababaridda dhallinyarada jaamacad ah ka baxay ee joolajiyiinta ah oo la siiyo aqoon heer caalami oo ku saabsan dhinaca macdanta, kuwaas oo iyagoo ay khubaro caalami ah waxbaraan, haddana shirkaddu mushahar siiso.
Wejiga labaad waxay shirkaddu bilowday oo waqtigan kalabadh maraya mashruuc ku saabsan sahaminta macdanta ku duugan gobollada galbeed ee Somaliland, kuna baxayo adduun dhan 1.25 milyan oo dollar. Hawsha sahaminta macdan-baadhista galbeedka dalka oo loo qorsheeyey afar bilood oo ku dhammaanaya bisha December ee sannadkan 2011-ka.
Wejiga saddexaad ee maagelinta shirkadda Nubian Corporation ka fulinayso Somaliland oo ah ka ugu muhiimsan oo ah soo saarista macdanta degaannada sahanka lagu sameeyey waxa uu si rasmi ah u bilaabmi doona bisha February ee sannadka soo socda ee 2012-ka.”
Waxa kale oo uu safiirku sheegay inay maalgelinta shirkaddan ku jiraan mashaariic kaloo ay ku maalgelinayso Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, waxbarashada, caafimaadka, bilayska iyio meelo kale.
Hase yeeshee Ambassador Maxamed Cumar Ismaaciil oo tafaasiil ka bixinayey marxaladihii kala duwanaa ee uu muddo saddex sannadood iyo badh ah u soo maray ka midho-dhalinta mashruucan maalgashi ee shirkadda Canada laga leeyahay ka fulinayso Somaliland waxa uu yidhi; “Hawshan waxaan soo waday in ka badan saddex sannadood iyo badh, anigoon wax taageero iyo garowshiyo ah midna uga helin madaxda xukuumaddii hore. Haseyeeshee, bishii Ramadaan ee sannadkii hore ayaan u bandhigay madaxweynaha iyo ku-xigeenka Somaliland oo uu maalmahaas uun xilka la wareegay, runtiina way igu hambalyeeyeen, iguna ammaaneen waxtarka baahida weyn loo qabay ee aan dalka ku soo kordhiyey.
Sidoo kale, waxaan aad ugu mahadnaqayaa Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cawaale oo isagu ii geeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Ammaanta iyo mahadnaqa Madaxweynuhu iigu jeediyey hawsha aan qabtay waxay keentay in Madaxweynuhu dib iigu magacaabo Wakiilka Somaliland ee waddanka Canada, maadaama ay xilkaas ii magacowday xukuumaddii hore ee doorashada lagaga adkaaday, waxaannu Madaxweynuhu igu baraarujiyey in xilka wakiilnimo ee uu hayaa yahay mid aad u culus, isagoo Ilaahay iiga baryey inuu ii fududeeyo gudashadiisa.”
“Alxamdu-lillaah maanta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkadda Nubian Gold Corporation oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka dhinaca soo saarista macdanta, taasoo waqtigan dalka wadda mashruuc maalgashi aad u ballaadhan oo lagu soo saarayo macadaha kala duwan ee ku duugan dhulkeenna, waxana hadda gebagebo maraya wejigii labaad ee mashruucaas oo ah sahaminta goobaha macdanuhu ku jiraan ee ku yaal gobollada galbeedka Somaliland oo dhammaanaya bisha December ee soo socota, iyadoo markaa kadibna shirkaddu bilaabo doonto bisha February ee sannadka soo socda wejiga saddexaad ee maalgashigeeda oo ah soo saarista macdanta ku aasan degaannada galbeedka ee haatan sahaminta lagu samaynayo.”
“Xarunta shirkadda Nubian Gold Corporation ee Hargeysa waxa hadda hawlgala shaqaale dhan 27 qof oo isugu jira muwaaddiniin iyo laba khabiir oo reer Canada ah. Bisha February ee sannadka soo socda marka uu bilaabmo wejiga saddexaad ee maalgashiga shirkaddu ku samaynayso Somaliland waxa la qaadan doonaa cusub oo tiradoodu gaadhayso 750 qof, guud ahaanna waxa mashruucan loogu talogalay inay ka shaqo-galeen 9500 ruux, kuwaas afartii boqol ee qofba mid ama laba ka noqon doonaan khubarro ajnebi ah, inta kalena dhammaantood muwaaddiniin yihiin, iyadoo weliba inta badan shaqaalaha laga qaadan doono dadka degaannada hawshu ka socoto, waxaanay arrintani wax weyn ka tari doontaa yaraynta shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Ambassador Maxamed Cumar Ismaaciil.
Waxa kaloo uu safiirku si weyn ugu mahadnaqay mulkiilaha iyo madaxweynaha shirkadda Nubian Gold Corporation Mr. Gregory Bowes, kaas oo uu sheegay in aanay taageeradiisa la’aanteed suurtogasheen in shirkaddiisu ka hawlgasho Somaliland..

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *