wareejiyeen siyaasiyiinta la baxay Madasha Wada-tashiga, kaas oo xukuumdda Somaliland mamnuucday.
Xildhibaan Ibrahin Jaamac Cli Rayte oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, Dr. Fadal oo ah Xogghayaha Arrimaha debeda ee WADDANI, Maayar ku xigeenkii hore ee Hargeysa Maxamed Cabdullaahi Uur-cade iyo Saraakiil kale oo ka hadlay mawqifkooda shirkaa iyo sida aanay uga laabanayn go’aankooda ayaa maanta shir sharaa’id ku qabtay xarunta xafiiskooda Magaalada Hargeysa.
Masuuliyiinta WADDANi waxa kale oo ay canbaareeyeen warbaahinta xukuumadda sida Radio Hargeysa iyo Telefishanka qaranka oo ay sheegeen in ay si khaldan bulshada ugu turjumeen shirkaa, isla markaana gudoomiyihooda WADDANi C/raxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha wakiiladda Somaliland si cad loogu weeraray warbaahinta qaranka.