Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Agaasimayaasha Wasaaraddaha Xuukuumaddiisa Iyo Waxyaabaha Uu Kala HadlayHargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somalilnd Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dalka,  kuwaas oo uu Madaxweynuhu kala hadlay wada shaqaynta xukuumadiisa. Kulankaa oo ka dhacay Qasriga

Madaxtooyada, isla markaana lagu qabtay Hoolka Shirarka Wasiirada

Sidaana waxa  lagu sheegay  hadal kooban oo Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay Agasimayaasha guud ee dalka, “Wasiirku waa siyaasi, hawsha wasaaradduhu waxay ku socdan waa Agaasimaha, markaa waxa laydiinka baahanyahay inaad culayska idin saaran ogaataan , waxaan had iyo jeer maqlaa musuq-maasuq iyo cabashooyin, waxa markaa aad ogaataan cida hawsha iyo shaqada iska leh inay tahay Agaasimayaasha.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayay Agaasimayaasha wasaaraddaha xukuumaddiisa.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sidoo kale ku dar-daaray masuuliyiinta Agaasimayaasha dalka ee uu la kulmay inay ilaaliyaan waqtiga shada, maadaama oo inta badan wasiiradda wasaaradduhu shaqooyin siyaasadeed iyo hawlo kale ku maqan yihiin. Sidaa awgeed wuxuu agaasimayaasha ku booriyay inay gartaan xilkaa culus ee ay qaranka u hayaan oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono.

Dhinaca kale kulanka ayaa u muuqda mid ka dhashay khilaaf iyo is maandhaaf inta badan dhexmara wasiiradda wasaaraddaha iyo agaasimayaashooda, kaas oo caqaba ku noqda hawlaha qaranka ee ay hayaan, waxaana ugu danbeeyay khilaafkii dhexmary wasiirka Duulista iyo Hawada Siomaliland Maxamuud Xaashi Iyo Agaasimhii xilka laga qaaday Axmed Wiiwaa.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *