Hargeysa(ANN) Kooxda sheegata aqoonyahanada Soomaaliada, siyaasiyiin mudo dheer kusoo jiray siyaasada Somalia, balse hore uga dhacay salaanka siyaasada ayaa cariga dalka Britain ee Magaalada London kaga dhawaaqay xisbi cusub oo ay ku sheegeen inuu yahay kii dhibaatada ka saari lahaa
Somalia.
Sidaana waxa Idaacada VOA u sheegay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar , isagoo xusay inuu si ku meelgaadh ah madax ugu yahay golaha dhexe ee Xisbiga cusub, laakiin wuxuu xusay inuu dhawaan xisbigu soo dooran doono xubintii hoggaamin lahayd. Prof Cabdi Ismaaciil wuxuu sheegay in xisbigan uu ka shaqeyn doono sidii xal loogu heli lahaa colaadda iyo mushkilada daba dheeraatay ee ka aloosan dalka Somalia.
Prof. Samatar ayaa sheegay in xisbiga cusub ee ay ku dhawaaqeen loogu magac daray “Hiil-Qaran”. Xisbigan waxaa dhisay siyaasiyiin uu ka mid yihiin Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Cismaan Kalluun iyo aqoonyahanno kala duwan. Ayuu yidhi.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu sheegay in xisbigan uu wakiillo ku leeyahay gobollo kale duwan oo ka tirsan Somalia, balse muu xusin meelaha ay joogaan wakiilada xisbigaa iyo kuwa ay yihiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu xisbigoodu yahay Sadex qaybood, isla markaana gudida uu ka mid yahay ka kooban yihiin sagaal qof, kuwaas oo aan iyagu xil qabanayn, . “Dastuurkayaga ayaanu maanta halkan ksuoo bandhinay, muqdishona waanu kusoo bandhignay, labada todobaad ee soo socda ayaa hogaankii xisbiga lagu dhawaaqayaa”.ayuu yidhi.
Shebekada Araweelonews ayaa ka qortay falanqayn la xidhiidha arrimahaa 6 February 2011, taas oo ciwaankeedu ahaa “Jaah-wareerka Beesha Beesha Caalamka Ee Qorshaha Siyaasada Somalia, Riyadda Prof. Samatar Iyo Yusuf Garaad Oo Isu Cimmaamadday Madaxweyne Iyo Raysal Wasaare”
Halkan ka akhriso falanqaynta Araweelonews ka qortay arrimahaa saddex todobaad ka hor.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com