Hargeysa(ANN) Guddida  Dhaqaallaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta ee golahaa ka jeediyay  warbixin la xidhiidha  odoroska miisaaniyad sannadeedka 2011 ee dhawaan wasaaradda  Maaliyaddu u soo gudbisay, iyagoo warbixintooda ku sheegay inay miisaanaiyada

 

Xukuumadda cusubi usoo gudbisay ay tahay tii ugu badnayd ee soo marta tan iyo mudadii la doortay golaha wakiilada 2005.
Guddoomiyaha Guddida dhaqaallaha Md. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi ayaa warbixin uu fadhigii maanta ka jeediyay   sharaxaad  ka bixiyay odoroska miisaaniyada, wuxuuna    Mudaneyaasha ugu baaqay in  sideeda loo ansixiyo miisaaniyada,
Warbixinta guddi hoosaadka dhaqaallaha ee golaha wakiilada Somaliland ka jeediyeen fadhigaa oo si weyn loogu sharxay faraqa u dhexeeya miisaaniyadii 2010 ee xukuumaddii  hore ee Madaxweyne Rayaale iyo Miisaaniyadan 2011 oo ah  tii ugu horaysay ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo usoo gudbiso golaha wakiilada, waxa nuxurka qoraalka warbixintu u qornayd sidan:-
“Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2011-ka waa miisaaniyadii lixaad ee Golahan Wakiilada soo marta intii uu xilkan qaran hayay, waxaan shaki ku jirin inay tahay miisaaniyaddii  ugu badnayd iyadoo korodhkaasi dhan yahay 217,461,340,153 SL ama u dhigma boqolayda 70%. Haddaba odoroska korodhkan dakhli ayaa waxaa loo qoondeeyey korodhka mushaharka shaqaalaha, ciidamada iyo golayaasha qaranka, iyada oo korodhkaasi marka loo eego sanadkii hore dhan yahay 100%.  Ayaa inta loo qoondeeyey mushaharka sanadkan ay dhan tahay 299,253,428,976 halka sanadkii hore (2010) ay ka ahayd 142,867,313,556.
Haddaba marka laga duulo korodhka guud oo inta badani ku baxayso mushahar, ayaa siyaasada miisaaniyadan ay noqonaysaa mid ku eeg xanaanaynta shaqaalaha iyo ciidamada si looga saaro in musuqa iyo wax isdaba marintu u baahdo, oo loo helo shaqaale mustaqbalka la daboolay baahidiisa nololeed.
Korodhka miisaaniyadda waxaa saldhig ah laba arrimood oo kala ah:
1)       Dakhli baaqan jiray ama aan la soo xarayn jirin oo culayska la saaray sidii uu u soo xaroon lahaa sida: Cashuuraha beriga oo sanadkan 2011 odoroska miisaaniyadda la gaadhsiiyay 109,832,984,622 halka ay ka ahayd sanadkii hore 2010-kii cadad dhan 24,968,572,658.
2)       Dakhli aad u badan oo aan ku soo dhici jirin khasnadda dawladda oo si rasmi ah loogu soo wareejiyey wasaaradda maaliyadda kuwaas oo ay ka mid yihiin:
•    Lacagtii Haamaha Shidaalka
•    Qayb  ka mid ah khidmadii maxjarka
•    Shan madax-xigeen oo laga soo wareejiyey Dekeda,
•    Qiimaha Sarifka ee Dawladdu Isticmaali jirtay oo sanad kasta ay ku baaqan jirtay malaayiin doolar, haddase laga dhigay qiimaha suuqa, lacagta loo yaqaan over-light-ka ee laga qaado diyaaradaha isticmaala hawadeena iyo meelo kale.

Lacagahaas oo dhammaantood aan khasnadda dawladda ku soo xaroon jirin ayaa hada si cad uga muuqata miisaaniyadda qaranka, waana meelaha ugu waaweyn ee uu ka soo baxay korodhka miisaaniyadu.
Sidoo kale miisaaniyadda Dekedda Berbera iyo miisaaniyadda Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa ayaa dhammaantood waxaa ka muuqda in kor loo qaaday dakhliga guud marka loo eego sanadkii hore ee 2010, inkasta oo sida ku xusan dawladda dhexe hya’ddani aanay wax mushahar kordhin u samayn shaqaalahooda maadaama shaqaalaha hay’adahani markii hore ay mushahar iyo gunaba aad uga sareeyaan shaqaalaha dawladda  dhexe waxase maareeyaha wakaalada biyuhu xusay in waaxda biyo soo saarka 40% u kordhiyay.
Tusaale ahaan dakhliga dekedda Berbera ayaa kor u kacay 9,457, 089,338 oo u dhiganta 33.5% halka wakaalada biyaha uu jiro  farqi aad u yari marka loo eego sanadkii hore oo dhan 377,000,000.

 

A)      Shaxda Odoroska Dakhli ee Sanadkan oo U Kala Baxa:

S.No

Haya’addaha

Qadarka

1

Kastamadda

338,486,042,235

2

Cashuuraha Bariga

109,832,984,622

3.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

282,590,000

4.

Wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta

38,651,925,000

5

SLNTV Radio

651,250,000

6.

Xisaabiyaha Guud

18,000,000,000

7.

Wakaalada Dekeda Berbera

1,000,000,000

8.

Dakhliga Haamaha

10,815,660,000

9

Kabka Dawladda Hoose

10,000,000,000

Total

527,720,451,857

 

Soo Jeedinta Guddida
1.    In Ganacsatada, Ciidamada iyo Shaqaalaha maaliyadu ku taageeraan Wasaaradda ururinta dakhliga ee miisaaniyadda 2011-ka.
2.    maadaama ciidamada kor ku xusan la hawlgaliyey mushaharkii bishii kowaad January-na ay qaateen waxay soo jeedinaysaa guddidu in aan laga saarin miisaaniyadda sideedana loo daayo.
3.    In Wasaaradda Duulista iyo Hawada ay sida ugu dhakhsaha badan horkeento Golaha Wakiilada $ 2 ee laga qaado dadweynaha soo degaya ama dhoofaya si ay go’aan uga gaadhaan.
4.    Iyadoo laga duulaya distoorka qaranak Qodobka 54aad waa in uu Baanka Dhexe u soo gudbiyaa lacagaha uu u soo daabacayo Qaranka, si Goluhu uu u ansixiyo.
5.    Anaga oo ka duulayana arrimahan kor ku xusan iyo lifaaqyada la socda waxay guddidu soo jeedinaysaa in sideeda lagu ansixiyo sanad miisaaniyadeedkan 2011.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *