xildhibaano hadlayHargeysa(Araweelo News Network)Xildhibaano ka mid ah kuwii watay mooshinka la doonayay in lagu muquuniyo Gudoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa canbaareeyay qaabkii loo xidhay fadhigii golaha ee

 

saaka, waxayn sheegeen in ay doonayeen 57 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha ay wateen mooshin la doonayay in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka dhowaan goluhu bedelay, kaas oo meesha ka saaray awooda gudoomiye ku xigeenada shirgudoonka.

Xildhibaanada kala ah  Maxamuud Axmed Obsiiye, Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Xasan Cawaale Caynaan, Maxamed Jaamac, Cabdillaahi Xuseen Balaaki oo ka mid ahaa mudanayaasha mooshinka watay  ayaa sheegay in golaha wakiilladu awood u leeyahay wax ka bedelka xeerarka iyo ansixintooda waxaanay tilmaameen in mooshinnada ay golaha usoo gudbiyeen ay waafaqsan yihiin shuruudihii looga baahnaa.

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ugu horeyn ka ka hadlay mawqifkooda ayaa yidhi, “Xildhibaannadan waxay ka mid yihiin 57 xildhibaan ee saaka dhiibay mooshinnada waxaanu soo dhignay golaha saddex mooshin oo sidii caadadu ahaan jirtay, aan ka gedisanayn kuwii hore ee la keeni jiray ka koowaad waxa uu ahaa muddadii golaha oo dhamaanaya iyo kordhintiisa oo ay saxeexeen 39 mudane oo codsaday in muddo saddex toddobaad ah lagu daro golaha magacyadoodiina waa la yeedhiyay, sharciguna waxa uu dhigayaa in qofna ama in ka badani ay soo jeedin karaa shuruudihii looga baahnaana wuu wataa. Mooshinka labaad ee la soo dhigayna wuxuu ahaa mid la xidhiidha wax ka bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha xubnaha shirguddoonka guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen xil ka qaadistooda oo awal ahayd 55 waa la kala qaybiyay guddoomiyaha waxa laga dhigay 55 labada guddoomiye ku-xigeenna waxa laga dhigay 42 cod in lagu ridi karo sidaas ayaa xeerkii lagu macneeyay.”

Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxay mudaneyaashu soo jeediyeen oo mooshinka uu labaad ahaa in saddexdii shirguddoonka codka lagaga qaadi karo 42 cod waxaana meesha laga soo jeediyay 55 mudane oo saxeexay, mooshinka ayaa meesha laga soo jeediyay 9 xubnood oo guddida joogtada ahina, way soo saxeexeen iyadoo guddoomiyuhu doraad eryay 4 ka mid ah oo aanaan ka hadal oo sabab uu u cuskaday aan la garanayn, laakiin wuxuu sheegay in uu jabay oo sharciga la iskula noqon doono, halkii ay ka ahayd in labada mooshinba la yidhaahdo ma jiraan fikrado ka soo horjeeda, haddii fikrado ka soo horjeedaan dood baa la galinayaa, ka dib cod ayaa loo qaadayaa, wuu ka booday wuu xidhay shirkii, waanu ka baxay madashii, waxaananu doonaynay haddii uu ka baxo shirka inuu fadhiisto guddoomiye ku-xigeenku oo guddoomiyo shirka oo halkiisii ka socdo, qasbaa la sameeyay kuraasidii ayaa la jajabiyay laydhkii ayaa la bakhtiiyay shaqaalihii golaha ayaa la isticmaalay qaar ka mid ah, welina kama tagin wanaagii golaha uu sii socdo guddoomiyahana waxaanu leenahay waa in aad waajahdaa xaqiiqada saaxiibadii kula fadhiyay 42 ayaad ka dhigtay, adna waa inaad noqoto 42, labaduba way kaa cod badan yihiin inuu kali-taliye nagu noqdo umaanaan dooran in uu xeerarka nagu dhaqo ayaanu u dooranay.” ayuu yidhi Xildhibaan Caalin.
Canbaaraynta Xildhibaanada ayaa ka danbaysay kadib markii golaha wakiiladda oo saaka buuq ka aloosnaa, isla markaana ay labada dhinac ee mudanayaasha iska soo horjeeda oo mid walba dhinaciisa doonayay in uu meel mariyo mooshin uu watay ay soo dhexgaleen Odayaasha Guurtida oo uu hogaamniyay Oday Nabadeedka Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) ka codsaday in golaha muddo todobaad ah la fasaxo kadibna khilaafka lagu dhameeyo wadahadal, taas oo sababtay in gudoomiyuhu xidho fadhigii golaha ee maanta.

ifo@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *