Saylac(ANN)Toban Xildhibaan oo ka mid ah xubnaha kaga jira Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac oo ka mid ahaa xildhibaanada golayaasha deegaanka ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday ayaa si rasmi ah

isu casilay, isla markana sheegay inay ka baxeen golayaasha deegaanka ee Saylac iyo Lughaya.
Xildhibaanadaa ayaa shir jaraa’id oo ay manta ku qabteen Magaaladda Xariirad kaga dhawaaqay inay iska casileen xubinimaddii Goleyaasha deegaanka.

kooxda Xildhibaanadda ayaa sheegay In is casilaadooda ay ka dambeysay ka dib markii ay deegaanka Bulshada ay kasoo jeedaan go’aansadeen inay iska casilaan Goleyaasha deegaanka ee Lughaya iyo Saylac oo ay ku doodeen in lagaga shubtay doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday 28-kii bishii November ee 2012, taas oo muran weyn ka abuurtay deegaankaa, gaar ahaan degmada Saylac.

Xildhibaddan is casilay ayaa iskugu jiray sadex ka tirsan Golaha deegaanka Lughaya iyo 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Saylac, waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:-

1)-Geesh Aadan Bille oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

2)- Aadan Cabdilaahi Boodhle, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

3)-C/Naasir Jaamac Xoosh, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

4)-Maxamuud Cigaal Wacays, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

5)-Axmed Yaasiin Maxamed Barkhadle, , oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

6)- Axmed Migil Ciil-tire, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

7)-Siciid Muuse Giirre, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

8)- Xasan Maxamed Dhimbiil, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Lughaya.

9)-Muumin Muuse Ducaale oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Lughaya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *