Djibouti(ANN)Axsaabta Mucaradka Djibouti ayaa maanta sameeyay isu soo bax balaadhan oo ay ku diidan yihiin natiijadii doorashada Baarlamaanka ee ka dhacday dalkaa jimcihii todobaadkii hore.

 

Ciidamada Booliska oo sunta dadka kaga ilmaysiisa ayaa kala dareeriyay kumaan dad ah oo maanta isu soo bax sameeyay, taas oo keentay inay tirooyin dad ah oo ka mid ah taageerayaasha mucaaradka dhaawacyo kasoo gaadhaan rabshadahaa.

sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay tirooyin dad ah oo qayb ka ahaa mudaharaadka, iyadoo war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha loogu baaqay dadka in aanay ka qayb gelin mudaharadka.

Dad goob joog ah, ayaa u sheegay shebekada araweelonews in ciidamada Boolisku awood u isticmaaleen, isla markaana ay jiraan dad xabsiga loo taxaabay. 
Afhayeenka isbahasyiga axsaabta mucaaradka ah ee USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) ayaa u sheegay warbahinta  in isu soo baxa taageerayaashiisa ay dawladu u adeegsatay awood ciidan, isla markana wuxuu xusayin guriigiisa ay ciidamo ku wareegsan yihiin, balse aanay taasi ahayn mid ay kaga istaagayaan xaqa ay u leeyihiin inay muujiyaaan dareenkooda doorashadii baarlamaanka ee lagu shubtay sida uu ku dooday.

Daaf waxa  uu sheegay in ay  sii wadayaan isu soo baxa oo aanay joojinayn ilaa inta ay helayaan xaqooda.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka ee Djibouti ayaa  ugu baaqday dadka Maraykanka ah ee  ku nool dalka Djibouti  inay ka digtoonaadan rabshadaha ka dhalan kara natiijada doorashada Baarlamaanka.

Ururada mucaaradka Djibouti ayaa ka biyo diiday natiijada doorashadii Baarlamaanka ee 22kii bishan ka dhacday guud ahaan Jamhuuriyadda Djibouti, taas oo xisbiga uu hogaamiyo Madaxweyne Geelle natiijadii doorashada lagu sheegay in 80% uu helay, balse ay is bahaysiga mucaaradka  uu hogaamiyo Daaf sheegeen in lagu shubtay oo aanay aqbalayn natiijadaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *