Rayte1Hargeysa(Araweelo News News Network)Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Dheere (Rayte) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah

 

aqoonyahan ku xeeldheer shuruucda, ayaa xaaraan ku tilmaamay Kaadhka Diiwaangelinta ee Madaxweyne Siialanyo iyo Wasiiradiisa qaarkood qaateen. Ka hor intii aan la ansixin xeerka diiwaangelinta.

Sidoo kale Xildhibaan Reyte, wuxuu tilmaamay khaladaad uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samay xeerkaa, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Markan ka hadlo waxaan diiwaangelinta lagu sheegayo, anigu aan u aqaano warqada aqoonsiga qofka, waxaan socdaa sharci maaha.

Sababtoo ah sharcigii waa tan aanu hada (shalay) u codaynay oo Madaxweynaha haatan qaatay oo bilaabay, maxay ku bilaabeen sharcigiiba ma soo bixinee, sharcigiina ma dhawa oo Baarlamaanka marka uu ka baxo guurtidu u tagayaa, wuu soo noqonayaa oo Baarlamaanku ku soo noqonayaa oo Madaxweynaha ayuu u tagayaa oo wuu saxeexayaa.”Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Madaxweynu muxuu ku qaatay sharcigiiba waakan baarlamaanka Yaale…..Oo wuxuu ku qaatay sharciba maaha.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Reyte oo tilmaamaya meesha ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ka khaladay xeerkaa, wuxuu yidhi, “Xeerka markii hore meesha yaallay wuxuu ahaa xeerkii diiwaangelinta codbixiyayaasha, xeerkii diiwaangelinta codbixiyayaasha meel dhexda ah ayay wasaarada dakhligu ka khaladay oo magacii ayay ka bedeshay, labada xeer waa laba xeer oo marka hore aad u kala duwan waa xeerka codbixiyashaa iyo warqada aqoonsiga muwaadinka.

Guddiga arrimaha gudaha oo aan anigu Gudoomiye ka ahay, waxay gudbiyeen go’aan talo soo jeedin ah in xeerka lagu magacaago xeerka diiwangelinta madaniga ah iyo xeerka codbixiyaasha, taa weeye ta wax laga bedelay, waxaan loo bixiyay xeerka diiwaangelinta codbixiyaasha oo lagu kabay xeerka warqada aqoonsiga.”Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *