Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoggaamiya xisbiga mucaaridka ah ee

 

WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay mawqifka aragtidiisa sida aanu qof walba oo xil hayaa u jeclayn inuu baneeyo Kursiga.

Guddoomiye Cirro, wuxuu sheegay inkasta oo ay taasi jirto ay golaha wakiiladda ee uu guddoommiyaha u yahay maanta meel mariyay oo ansixiyay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerarka Kaadhka aqoonsiga Medeniga ah iyo  Diiwaangelinta doorashada, balse waxa uu sheegay in ay gole ahaan raaciyeen ansixinta xeerarkaa soo jeedin go’aan gole oo ah in la qabto Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiilada hal mar oo la mataaneeto, taas oo ay u codeeyeen 64 mudane sida uu sheegay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid meesha ka saaray xantii ahayd in mudanayaashu aanay ogolayn in la qabto doorasho oo ay kuraasta sii xejisanayaan.

Guddoomiye Cirro, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey maanta idaacadda BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Nin kasta oo kursiga ka kacayaa aad uma jecla, laakiin anniga waxay ila tahay inay mudanayaashu muujiyeen oo shacabka ay wakiilka ka yihiin u caddeeyeen inay rabaan doorashada, waxaanay tani caddayn u tahay inay rabaan in ta Madaxweynahana la galo, ta Golaha Wakiillada-na la galo.”

Guddoomiyaha Wakiiladdu, wuxuu sharaxaad ka biyay  go’aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen in mar la wada qabto labada doorasho ee Madaxtooyada iyo wakiillada, isagoo yidhi, “Go’aanka Golaha Wakiillada ee ah in la is raaciyo labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiillada waxa uu ka soo baxay dooddii mudanayaashu ka yeesheen kaabista iyo wax-ka-beddelka xeerka diwaangelinta ee xeer No.37/2007 oo lagu kaabayey diiwaangelinta muwaaddiniinta Somaliland, waxana ka soo baxay dooddaas oo aqlabiyadda mudanayaashu isku waafaqeen  iyadoo loo tudhayo dadka oo laga ilaaliyo dhiig-baxa had iyo jeer ku dhaca doorashooyinka isku xig-xiga, iyadoo dhaqaalaha burbura looga tudhayo waxa uu goluhu soo jeediyey in labada doorasho mar la wada qabto.”ayuu yidhi.

Hase yeeshee, wuxuu cadeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu in aanay Madaxweyne Siilaanyo wax wadahadal ah ka yeelan go’aanka ay soo saareen ee la xidhiidha in labada doorasho mar la wada qabto, wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Laba gole oo kala madaxbannaan (xukuumadda iyo wakiillada) ayaannu nahay oo Golaha Wakiilladu go’aannadiisa wuu u madaxbannaan yahay, madaxweynahana kamaannu wada hadal in la isku darayo labada doorasho iyo in la kala qaadayo.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna mar uu ka jawaabayay mudada la qabanayo doorashooyinka uu sheegay in hore ay ugu mudaysnayd doorashadu 2015, balse waxa uu sheegay in mudada rasmiga ah ee doorashada ay ka imanay Gudida Doorashooyinka qaranka oo aanay ahayn arrin gole ahaan u taal.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *