Mogadishu (Araweelo News Network) Xildhibaan Cabdiweli Qanyare oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa si kulul u canbaareeyay weerar uu sheegay in ay xalay kusoo qaadeen gurigiisa ciidanka Boolisku, kaas oo sababay

 

khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Xildhibaan Qanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in hawlagal aanu ujeedadiisa fahmin oo ay hormood u ahaayeen saraakiisha nabad sugida Somalia lagu soo qaaday guriga uu deganyahay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay nasiibadro ah in ciidankii Boolisku soo weeraraan gurigiisa, isagoo ah xildhibaan xasaanad leh.

Xildhibaan Cabdiweli Qanyare, wuxuu sheegay in ilaaladiisu ka difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla markaana dhaawacyo fududu kasoo gaadheen lab aka mid ah ilaaladiisa, balse waxa uu sheegay in khasaare soo gaadhay hantidii guriga u taalay sida Baabuurta, isla markaana ay khatar geliyeen dumarkii iyo caruurtii guriga huruday, wuxuuna xusay in arrintaa uu uga cawday masuuliyiinta sare ee xukuumadda. Laakiin aanu weli wax jawaab ah ka helin.

Hawlgalka ayaa lagu guuldaraystay in la gaadho ujeedadii laga lahaa. Kadib markii uu ku dhintay tacshiiradaha lays weydaarsaday Taliyihii watay ciidanka Booliska ee doonayay in ay galaan gurigaa.

Xukuumadda Somalia ayaan ka hadlin weerarkaa iyo ujeedada laga lahaa, balse warar laga helay dad u dhow gurigaa iyo goobta Hawlgalku ka dhacay oo aan ka fogayn garoonka Diyaaradaha, ayaa sheegay in qorshaha ciidanku ahaa in ay la wareegaan Hub iyo saanad Milateri oo  taalay Cabdi Nuur Siyaad (Cabdi Waal) oo aan ka fogayn guriga xildhibaanka, balse Ilaalada Xildhibaanka iyo Ilaalada gaarka ah ee Cabdiwaal oo ka war hayay ujeedada hawlgalka Booliska si wadajir ah isaga difaaceen.Kadibna ku khasbeen ciidaanka in ay ku laabtaan goobtii ay ka yimaadeen.

Xildhibaanka la weeraray Cabdiweli Qanyare, waxa dhalay Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ugu awooda badnaa ee ka talin jiray Muqdisho, balse markii danbe ku biiray dawlada, isagoo ka qaybgalay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu soo dhishay dawlada, wuxuuna noqday Xildhibaan, balse May 2013, ayuu iskii uga tegey Baarlamaanka, waxaana lagu bedelay wiilka uu dhalay oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale Cabdi Nuur Siyaad oo ku mgacdheer (Cabdi Waal), wuxuu ka mid ahaa higamiye kooxeedyadii iyo qabqablayaashii mudada dheer magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Somalia ka talin jiray, kuwaas oo weli hubkoodii gacanta ku haysta, inkasta oo qaarkood ay galeen dawlada xiligan ee Xasan Sheekh iyo tii ka horaysay ee Sheekh Shariif, waxayna dawlada Xasan Sheekh u aragtaa hubka weli iyo malayshiyaadka ay weli caasimada Muqdisho ku haystaan qabqablayaashii mid kkahatar ah nidaamka dawladnimo iyo amaanka caasimada weerarada Al-shabaab iyo dilalka shirqoolka ah u noqotay hoyga.

info@araweelonews.com
Mogadishu Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *