Libya(ANN)Maamulka KMG ah ee waddanka Libya ayaa sheegay in meydka Qadaafi lagu aasi doono meel qarsoodi ah, oo ay suurtagal tahay in maantaba la aaso. Laakiin warar kale ayaa sheegaya inuu muran weyni ka taagan yahay goobta lagu aasayo iyo sida loo aasayo Qadaafi. Kadib markii

sida la sheegay la dilay shalay, iyadoo wararka qaar sheegayaan in lagu dilay duqayn dhinaca cirka ah oo gawaadhi kolanyo uu watay ay garaaceen ciidamada NATO, balse warar kale ayaa sheegaya inuu ku lagu dilay magaalada Sirta kadib markii ciidamadiisa iyo kuwa mucaaridka qabsaday dalkaasi rasaas is weydaarsadeen goob dhisme uu Qadaafi ku jiray.


Dilka Hogaamiyihii dalkaa Mucmar Al-qadaafi oo mudo 42 sanadood ah xukumayay dalka Libya ayaa muran weyni ka taagan yahay qaabka loo dilay oo aan laysku waafaqsanay sidoo kale waxa  weli jira su’aalo ku saabsan sida uu u dhintay Qadaafi.
Muuqaaladii u danbeeyay ee laga qaado Qadaafi ayaa qaarkood muujinayaan isagoo dhiig ka da’ayo oo garbaha ay hayaan laba nin oo mid u eegyahay wiilkiisa Saif Islaam iyo nin kale oo ka mid ah saraakiishii maamulkiisa. kadibna gaadhi la saaray, sida ka muuqata sawiradan iyo isagoo mayd ah oo la jiifiyay. sidoo kale muuqaalo lagu baahiyay telefishanada qaarkood sida Al-Arabia ayaa muujinaya sawirro hogaamiyaha hore oo nool oo dhiig uu ka da’ayo, kadib markii lagu qabtay magaaladii uu ku dhashay ee Sirta oo dagaalo qadhaadhi ka socdeen bilihii u danbeeyay. Kadibna  laga soo saaray dhuun kuwa wasakhda qaadda, kadib markii baabuur kolonyo ah oo isagu lahaa NATO garaacday oo uu ku dhintay.


Weriyayaal ku sugan magaalada Sirta ayaa sheegaya sheegaya in Colonel Qadaafi suaalo badan oo ku saabsan ay soo baxayaan geeridiisii, waxayna Dowladda KMG ah ee Libya ay beenisay in la dilay. Iyadoo magaalooyinka qaarkood xalay Dabaaldeg lagu soo dhowaynayo geerida qadaafi ka dhaceen.
Dhinaca kale Rupert Colville oo u hadlay  Golaha Qaramada Midoobay   ee xuquudada aadamaha ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in loo baahanyahay baadhitaan ku saabsan dhismashad Qadaafi iyo qaabka lo dilay, wuxuuna xusay inay ka heleen laba war oo is khilaafsan golaha ku meelgaadhka Libya, kuwaas oo Telefoon ugu sheegay in la hayo Qadaafi oo dhaawac  ah, balse hadana loo sheegay inuu dhintay , wuxuuna yidhi, waxaanu haynaa macluumaad baddan oo sheegaya in la dilay Qadaafi. Kadib markii uu dhaawacmay”.
Col. Qadaafi oo ahaa higaamiye Mdaxa adag, wuxuu dalka Libya ku qabsaday inqilaab Milateri 1969, isagoo waqtigaa ahaa wiil yar, wuxuuna saamayn weyn ku yeshay loolankii siyaasada aduunka iyo labadii quwadood ee xilgaa jiray, isagoo si weyn u barwaaqeeyay dalka Libya oo xiligaa ahaa saxare aan dhaqaalle fiican haysan, wuxuuna bilaabay inuu khayraadka dalkiisa ka faa’idaysto, balse Qadaafi oo taageero baddan siin jiray in ka baddan 50 jabhadood oo dunida ah, waxay marar baddan dalalka Reer galbeedku ku qaadeen weeraro dhinaca dhaqaallaha iyo kuwo kuwo Milateri, isagoo ay kaga aargudanyeen weeraro iyo qaraxyo lagu fuliyay diyaarado iyo xarumo mihiim ah xiligii sideetanaadkii.


Sanadkii hore Markii Qadaafi ay weeraro kusoo qaadeen mucaarid ay taageerayaan dalalka reer galbeedku, wuxuu diiday inuu dalka ka baxo, isagoo ku balan qaaday inuu dagaalamayo ilaa inta uu ka dhimanayo, isla markaana aanu is dhiibayn ee uu ku dhimanayo dalkiisa, taas oo rumawday markii Qadaafi la sheegay in shalay lagu dilay meel magaalada galbeedka dalka Libya ee Sira oo ahayd meelihii ugu danbeeyay ee uu ka dagaalamayay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *