Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta  qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socday dalka Faransiiska oo socdaal rasmi ah ku yimi  dalka.Madaxweynaha Somaliland wuxuu weftiga

uga waramay xaaladda guud ee Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, sidaana, waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Saddex xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminaayo Safiirka u fadhiya Dalkaas, Jamhuuriyada Jabuuti, Ambassador Rene Forceville.
Safiirka  ayaa ujeedada Socdaalkooda ka waramay waxa uu sheegay in ay tahay sidii loo kobcin lahaa ee kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee Somaliland iyo Faransiiska.

 


Safiirku waxa u sheegay in ay Dawladiisu danaynayso in ay Somaliland ka caawiso dhinaca horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka ah.
Madaxweynaha Somaliland  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Weftiga uga waramay Xaaladda nabad-gelyo ee Dhabta ah ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa u sheegay in Somaliland ku guulaysatay Adkaynta Badda iyo Berigaba haatana ay u xaydan tahay inay ku talaabsato horumar dhan walba leh.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweyey imaantinka Weftiga Faransiiska waxaanu dawlada Faransiiska iyo Beesha Caalamkaba ka dalbaday in ay Somaliland ku gacan qabtaan Dedaalkeeda ay la timid.
Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo  Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire & Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Maxamedrashiid Sheekh Xasan
Dhinaca Weftiga waxa Safiirka kulankan ku wehelinayey
1.      Renu Morechaux, Director, Ministery of Defence of France
2.      Alexdener Jabet, First Sect, at French Embassy in Djibouti.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *