Berbera(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta dadweynaha Magaalada Berbera kala qaybgalay salaadii Jimcaha ayaa galabta Ardayda
Jaamacadda Badda kula dabaashay xeebta Batalaale ee magaalada berbera.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in dabaasha uu la sameeyay dhalinyaradaa iyo Laashashkii ay fuuleen u sameeyeen si uu u dhiirigeliyo dhalinyaradaa, kuwaas oo si weyn ugu farxay in ay la dbaashaan madaxweynohooda.
Halkan ka Daawo Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah xubnaha golihiisa wasiiradda oo si kalsooni ah ula dabaalanaya dhalinyaradaa xeebta Batalaale ee Berbera.