qarax gaadhi muqdisho1Muqdisho(Araweelo News Network)Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday maanta afaafka hore ee Huteelka Maka Al Mukarama ee oo kuyaal badhtamaha Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil dowladda ka tirsan ay xiliggaa ku sugnaayeen Hutelka. Afhayeen dowladda Somalia u hadlay ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen kooxda islaamiga ah ee Al Shabaab oo laga yaabo inay kaga jawaabayaan weerarro milateri oo ciidammada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ay dhowaan ka fuliyeen deegaamada ay gacanta ku hayeen.

Dagaalada Ciidammada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ka wadeen deegaamadaa ayay ku qabsadeen ugu yaraan lix magaalo oo ay hasteen Al Shabaab, kuwaas oo weli gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa laga dayrinayaa deegaamada dhulka ay AMISOM gacanta ku dhigeen, iyadoo laga dayriyay xaalada dadka ku sugan deegaamadaa, kuwaas sababay in aan lala socon karin xaaladda magaalooyinka qaar ee ay ku dagaalamayaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya oo wada jir weeraro ugu qaaday Al-Shabaab.
Hawlgalka lagula dagaamalayo Al-shabaab ayaa sababay in Ha’addaha qaramada midoobay ka dayriyaan xaalada deegaamada oo weeraradu saamayn ku yeelanayaan dadka ku nool deegaamo badan oo Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia ah, kuwaas oo ay waajihi karto xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay dagaalka, iyadoo laga dayrinayo baahi dhinacyada, Hoyga, Biyaha, Cuntada iyo Adeegyada caafimaadka.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimo ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 3 milyan ay degan yihiin degaannada la bartilmaameedsaday, waxayna xustay inToddobaadkii ugu horreeyay ee bishan ay ciidamada AMISOM qabsadeen magaalooyinka Rabdhurre, Xuddur iyo Waajid.
Sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Inta badan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool oo ay la wareegeen ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaali ah, marka laga reebo magaalada Tayeeglow iyo tuulooyinka la u dhow dhow oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Sidoo kale waxay qaramada midoobay ka dayrisay xaalada Shabeellada Hoose oo ay  AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu  u dhaqaaqeen xagga magaalada Qoryooley iyagoo ku sii jeeda magaalada dekedda leh ee Baraawe, halka Gobolka Galguduud, ciidammada dowaldda iyo AMISOM ay garaaceen xarunta gobolka Dhuusa-marreeb maalmihii u danbeeyay.

Dhaqdhaqaayada iyo colaadaha ka aloosmay Somalia waxay sababeen in kumaan qof ka cararaan guryohooda, kuwaas oo laga cabsiqabo in ay xaalad adag soo waajahdo, iyadoo dhinaca kale wararka ka imanaya deegaamada ay maamulaan Al-shabaab sheegayaan in hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay abaabulayaan weeraro ay qaadaan dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliyaan, kuwaas oo la doonayo in ay weerarada AMISOM ka hortagaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *