Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Ka Dhabeeyay Balanqaadyadii Dedaalkiisa Waxqabadka Dadka Iyo Deegaanka Oo Uu Suunka U Xidhtay Inuu Sii Waddo Waxqabadkiisa

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar ku maray gobolada Galbeedka iyo deegaamada xeebta dhinaca woqooyi ee Hargeysa ayaa safarkiisa dheer ku daah furay

 

sida ay uga go’antahay inuu fuliyo balanqaadyadii xiliggii Ololaha doorashada ee 2010.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu mudadii uu xilka hayay fuliyay waxyaabo badan oo ka mid ah balanqaadyadii uu waqtigaa sameeyay, waxayna xukuumaddiisa oo muddo sadex sanadoo ah xilka haysay ku talaabsatay guulo waaweyn oo wax ku ool ah, iyadoo wax ka qabatay dhinacyada adeegyadda aasaasiga ah ee Bulshada sida Waxbarashada, arrimaha Deegaanka, Xoolaha, Beeraha, derejooyinka Ciidamadda, Bedelaada Lacagta Giinbaarta ee Burco oo ay sanadkii u horeeyay fulisay. Sidoo waxay  Dib ku talaabsatay dhiska wadooyinka dalka ee isaga gudba gobolada dalka, waxaana dib u dhis lagu sameeyay wadooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama iyo wadooyinka isku xidha gobolada, kuwaas oo hadda u muuqda in ay yihiin qorshe si fiican loogu guulaystay.

In kasta oo xukuumaddihii kala danbeeyay mid walba meel soo gaadhsiisay wax qabadkeeda iyo sidii loo sii adkayn lahaa inuu qaranka Somaliland noqdo mid dunida ka mid noqda, haddana waxa jiray gab u dhexeeyay dedaalka shacbiga iyo dhinaca waxqabadka ee xukuumaddahaa marka laga hadlayo adeegyada aasaasiga ah, waxaana jiray dayac badan oo ka muuqday wadooyinka isaga gudba magaalooyinka waaweyn iyo kuwa caasimada iyo magaalooyinka kale isku xidha, ama wadooyinka dhexmara magaalooyinka, taas oo dhibaato ku ahayd bulshada, isla markaana nabaro iyo booggo ku ahaa bilicda iyo muuqaalka magaalooyinka dhismayaasha dhaadheer ee quruxda badan laga yagleelay.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay hadda u muuqataa in ay noqotay xukuumaddii ugu waxqabad badnayd ee soo marta Somaliland marka la eego waxyaabaha ay fulisay tan iyo markii ay xilka la wareegtay sadex sanadood ka hor.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihii ugu safarada badnaa dhinaca dalka gudihiisa iyo debediisaba, isagoo socdaalo badan oo la xidhiidha sidii meel marinta qadiyada Somaliland ku kala bixiyay dalalka dibeda, isala markaana safari kala duwan oo uu ku hibinayo waxyaabaha ka fulay balabqaadkiisii deegaamada dalka marar badan socdaalo ku kala bixiyay bari iyo galbeed. 
Hase yeeshee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee la doortay 2010, waxay muujisay dedaal la doonayo in wax weyn lagaga qabto burburka jidadka waaweyn ee magaalooyinka iyo wadooyin cusub oo la yagleelay, waxayna xukuumadda Somaliland iyadoo kaashanay bulshadeeda iyo golayaasha deegaanada ee dawladaha hoose, waxay bilawday dedaal si weyn loogu riyaaqay oo ay dad badan u arkayeen riyo aan suurta gal ahayn, balse hadda la yaab ku noqotay kuwii u haystay riyadda.
Maaha wadooyinka oo keliya waxa si cad u muuqata in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dedaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ah sida Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada dhaqaalaha iyo Biyaha.
Waxa hubaal ah in uu jiro dedaal aan la dafiri Karin oo ku waajahan dhinacyadaa. Dad badan ayaa la yaabay dhowaan markii xukuumadda Somaliland bilawday wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo 180km ah, taas oo hadda lasoo gebagebeeyay, sidoo kale wadada ugu dheer dalka ee isku xidha Gobolka Sanaag iyo Togdheer oo ah 360km, waxa hadda gaadhay qalabkii xukuumaddu usoo iibisay, iyadoo Madaxweynaha iyo wefdigiisu usii jeedaan halkaa si loo bilaabo dhismaha wadada Ceergaabo.
Labadan waddo waa kuwa ugu dhaadheer wadooyinka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku baaqday dhismohooda, waxayna dhamaystirka wadadda isku xidha Hargeysa iyo Berbera meesha ka saartay aragtida mucaaradka xukuumadda iyo dad badani qabeen ee ahayd in aan dhismayaasha wadooyinka xukuumadda Somaliland ku baaqday ahayn suurta gal ah oo aan waxba la qabsan Karin haddii aan gacan shihseeye la helin, balse waxa muuqata in arragtidaasi ay hadda meesha ka baxday markii ay dhamaatay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, taas oo si cad u muujisay in wadada Ceergaabo oo ah ta ugu dheerna haddii gamcaha lays qabsado la dhisi karo, iyadoo aan wax taageero ah laga helin dawlado shisheeye iyo hay’addo caalami ah midna.
Wadooyinku maaha kuwaa oo keliya ee waxa ka jira wadooyin baddan oo ka socda magaalooyinka waaweyn gudohooda iyo kuwo isku xidhaya gobolada kale oo qaarkood la dhameeyay, kuwo kale dhismayaashoodu socdaan dhamaantood. Sida wadooyinka Wajaale Iyo Kalabaydh, wadad Boorama, Wadada Dawga Cad ee dhinaca Woqooyi ee Hargeysa, wadada Baligubadle iyo Hargeysa, wadada Salaxley iyo Hargeysa, wadada Oodweyne iyo Burco iyo Wadada Laasciidle iyo Berbera ee dhinaca Xeebta, kuwaas oo dhamaantood socda, isla markaana ah wadooyin  Laami ah, marka laga reebo wadada Xeebta berbera uga baxda dhinaca Bari oo iyadu Cara-tuur ah.
Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisa u danbeeyay ee uu ka bilaabay dhinaca Gobolka Awdal markii uu xadhiga ka jaray wadada Dilla iyo Boorama oo lasoo gebagebeeyay, wuxuu dhagax dhigay dhismaha wadada isku xidhay Awdal iyo lughaya taas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 300km , wuxuuna Madaxweynuhu isla safarkiisa dhagaxdhigay dhismaha Deked Kaluumaysi oo laga dhisayo Xeebta Lugahaya, taas oo ay si weyn ugu riyaaqeen dadka deegaanka oo si weyn usoo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo markaa ka dib iyagoo safarkooda sii wata u gudbay dhinaca Magaalada Berbera ee xarunta Gobolaka Saaxil.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda uu hormoodka u yahay, gaar ahaa wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo dar-dar cusub  iyo dedaal badan muujiyay waxay hadda  bulshadooda dhacsiiyeen in haddii ay sameeyaan isku duubni wadada Ceergaabo iyo wadooyinka kaleba samayn karaan, iyadoo meel layska dhigo in gacan shisheeye wax laga sugo.
Waxayna xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku jihaysay dadka in ay wax qabsadaan iyadoo bulshada dhacsiisay ahmiyada ay wadooyinku leeyihiin iyo sida ay door laaaxad leh uga qaatan horumarka dhinacyada dhaqaalaha, xidhiidhka iyo isu socodka iyo is dhexgalka Bulshada.
Sidoo kalena wadooyinku ay qayb laxaad ah ka qaataan horumarka adeegyada aasaasiga ah sida Caafimaadka, waxbarashadda iyo sida ay waddooyinku muhiiim u yihiin bilicada magaalooyinka.

In kastoo Somaliland aanay ictiraaf buuxa ka haysan caalamka haddana xukuumadda Somaliland oo kaashanay bulshadeeda waxay muujisay in dadku wax qabsan karo oo ay dalkooda dhisan karaan.
Gebagebadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay qaaday tallaabo wax ku ool ah oo ku waajahan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, waxaaase lagama maarmaan ah in dedaalka xukuumadda la garabgalo, waxaana waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah inuu muruq, maal iyo codba ku taageero dhismaha dalkiisa si aynu dalkeena u gaadhsiino horumar oo aynu dunida u tusno in ay  wax qabsan karo sida aynu horeba ugu tusnay in aynu horumarka ka muuqda dalkeena samaynay inagoo aan wax taageero ah ka helin dunida, isla markaana u yagleelay qaran xor ah oo iskii u taagan, kaas oo horumarkiisa maanta dunidu majeeranay.
Si katsba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo wuxuu muujiyay sida ay uga go’antahay in uu ka dhabeeyo dedaalkiisa balanqaadyadii xiliggii ololaha, kuwaas oo mudadii sadexda sanadood ahayd ee uu xilka hayay wax badan ka fuliyay, wuxuuna safarkiisa ugu danbeeyay daahfuray sida aanu uga daadlin dedaalka halgankiisa uu mudada dheer ugu jiray dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo safarkiisa u danbeeyay ku maray boqolaal km oo qarda jeex iyo raf ah, si uu indhihiisa ugu arko dadka iyo deegaanada uu marayay oo uu kala kulmay soo dhowayn balaadhan iyo farxad ay kusoo dhoweeyay, isla markaana uga mahad celiyay Madaxweynaha booqashadiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *