Gabiley (Araweelo News Network)Goob Aroos ayaa munaasibadii farxadeed isu bedeshay  goob murugo. Kadib markii Ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen, isla markaana hal qof oo kale ayaa dhaawac kasoo gaadhay,  waxaana arrintaasi dhacday  markii

nin rasaas ku furay xaflad aroos oo ka dhacday degaanka Caadda oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

 

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Gabiley Cabdillaahi Xasan Faarax, ayaa Jamhuuriya khadka tefeloonka ugu xaqiijiyey xalay in labada  qof  oo ahaa hablo kasoo qaybaglay munaasibada Arooska Allaah ha u naxariistee  ay  ku dhintee. Sidoo kale ay ku dhaawacantay  gabadh kale rasaas nin maskaxda ka buka ku furay xaflad Aroos oo habeenkii Axadda ee todobaadkan  ka dhacday degaanka Caadda oo u dhaw degmada Agabar ee Gobolka Gabiley, isagoo taliyuhu xusay in dhinacyadii dhibku dhexmaray arrintaas ka heshiiyeen, laakiin ninkii falka gaystay uu baxsaday.

 

“Goobta waxa ka socday xaflad aroos, dabeedna waxa dhacday in nin maskaxdiisu aanay fayoobayn qori ka boobay nin kale oo goobta joogay oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay xaflada Arooska dabadeedna rasaas ku furay dadkii arooska joogay, halkaasna waxa ku dhintay laba hablood, gabadh kalena waxa soo gaadhay dhaawac,” ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Gabiley.

 

Waxa kale oo taliyuhu u xaqiijiyey Jamhuuriya in labada dhinac ee ay ka soo kala jeedeen hablaha dhintay iyo ninka dhibka gaystay isla shalay falkaas ka heshiiyeen, isagoo xusay in qoyska ninka dilka gaystay bixiyeen lixdan milyan oo shillinka Somaliland ah xabaalo qodkii hablaha dhintay, isla markaana ballanqaadeen in muddo laba bilood gudahood ah ku bixin doonaan magta labadaas hablood oo ah boqol halaad oo dhogor leh.

 

“Ninka dilka gaystay waxa la yidhaah magaciisa Gahayr Xasan Mudan, wuuna baxdasay oo wuxuu ahaa nin maskaxda ka jiran, laakiin labada dhinac durba arrintaas way ka heshiiyeen oo shalayba qolada dhibka gaysatay waxay bixiyeen lixdan milyan oo shillinka Somaliland oo ah xabaalo qodkii, waxayna ballanqaadeen inay muddo laba bilood gudahood ah ku bixin doonaan magta labadaas hablood oo dhan boqol halaad oo nool ama dhogortoodii wata,” ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Gobolka Gabiley, isagoo xusay in hadda xaaladu degan tahay, wax dhib ahi aannu taagnay.

Falka dilka ah ee ka dhacay degaanka Caadda ee Gobolka Gabiley, ayaa xafladii qoyska arooska ah loogu dabaaldegayey u rogtay goob murugo ah oo dhiig ku daatay, iyadoo arrintaasina noqotay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday goob farxadeed.

xiggasho: Jamhuuriya

 

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *