Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ayaa maanta kumaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qaybgalay salaada Ciidal Adxa, kuwaas oo uu kula tukaday Masjid

Jaamaca weyn ee Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu shacbiga Somaliland u rajeeyay farxad iyo inay sanadka sandkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo guul, wuxuuna usoo jeediyay Bulshada in ay ilaashadaan qaranimadooda iyo midnimadooda oo ay gamacaha is qabsadaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in shaciga Somaliland uu ku bogaadinayo dedaalka ay kusoo gaadheen halkan, wuxuuna sheegay in loo baahanayahay dedaal ka badan intaa si loo gaadho himilooyinka iyo ujeedooyinka Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay ka balaadhan yihiin hawlihii, dedaalkii iyo halgankii ay Somaliland halkaa kusoo gaadhay, balse si loo gaadho guusha aqoonsiga iyo sidii ay bulshada aduunku u aqoonsan lahayd Somaliland dedaal intaa ka badaan,  isagoo sheegay in Somaliland ay  diyaar u tahay sidii ay caalamka ugala shaqayn lahayd nabadgelyada iyo deganaansha gobolka.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hanbalyo u diray munaasibada Ciida Madaxda iyo hogaamiyayaasha, Djibouti, Kuwiat, EAU Imaraadka iyo dhamaan shucuubta Islaamka.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ay kala qaybgaleen munaasibada Salaada Ciida,x ubno ka tirsan golahiisa wasiirada ,madaxada golayaasha qaranka iyo masuuliyiin kale, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay salaada ka dib dadweynaha salaanta ugu tegey.

 

 

Sidoo kale Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ayaa maanta farxada munaasibada ciida la qaybsatay caruurta ku dhaqan xarunta Agoomaha Hargeisa.

 

 

 

Marwo Aamina Weris oo hadal kooban ka jeedisay waxay ku sheegtay taageera ay diyaarka ula tahay marwalba, iyadoo deeq gaadhsiisay ay ugu talo gashay Caruurta ku jira xaruntaa, waxayna balanqaaday in ay Xarunta aggoomaha ugu deeqday dhismaha dayr lagu wariijin doono xayndaabka xarunta oo marwadu ay qadar taakulo ah ay ugu deeqday in lagu dhiso dayr ama xayndaab lagu daryeelo caruurta, waxayna sheegtay in aanay Caruurtaa cidna u maqanayn ee ay baahan yihiin taakulo iyo in la daryeelo.

 

Dhinaca kale Munaasibada Ciida iyo farxada ayaa si weyn looga dareemay Magaalooyinka Somaliland ee kale, iyadoo Masuuliyiinta xukuumadda qaarkood qudbado ka jeediyeen dadweynaha saaka salaadii Ciidal Adxa.

 

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *