Xaaji Cabdikariim1Hargeysa (Araweelo News Network)Oday Xaaji Cabdikariin Yuusuf Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah xildhibaanada ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay sheeko kaftan ah oo

 

dhexmartay isaga iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay waxyaabo si kaftan ah loogu xanto Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay Xaaji Cabdikariim aad isugu dhow yihiin, isagoo dhinaca kalena ka sheekeeyay waxqabadka Madaxweynayaashii soo maray Somaliland, waxqabadkiisa xiliggan ee Madaxweyne Siilaanyo iyo waajibka mucaaradka.

Xaaji Cabdiwaraabe oo da’diisu lagu qiyaaso  117 jir, waxa uu weedhahaa iyo dardaarankaa ka jeediyay xaflad lagu soo bandhigay Buug lagu magacaabo Samo-talis oo laga qoray waayo-aragnimada iyo taariikh-nololeedkiisa, kaas oo habeenkii Insiinta lagu soo bandhigay Jaamacadda hargeysa.

Oday Cabdikariim oo ka mid ah Odayaasha ugu caansan Somaliland, isla markaana ka taliya dhinaca nabada waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland lagu xanto inuu yahay nin qabiili ah oo ka shaqeeya wixii danta beeshiisu ku jirto.

“Waxa lagu xantaa Madaxweyne Siilaanyo waa nin Habar-jeclo ah oo waa qabiili. Isaaqu waxa weeye Habar-jeclo iyo Habar-magaado. Waxaan ku idhi Guddoomiyahayaga Guurtida ‘Saleebaan-noow Habar-magaado waan ka xishoonnaa ee maxaa Habar-jeclo looga xishoon waayey? Wuxuu yidhi; ‘Taayadu way hirgashay.’ Xanta midhaas ayey ku daraan, aniguse ma hayo meel (Madaxweyne Siilaanyo) uu Habar-jeclo ku dhisayo, Habar-magaadana ku duminayo Ilaahay hortii,” ayuu yidhi Xaajigu.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay waxyaabaha lagu xasuusan doono madaxweyneyaashii isaga dambeeyey talada dalka Somaliland, isagoo ka si kooban u sharraxay arrimaha mid kastaa ku fiicnaa.

“Cigaal (marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal) waxa uu yaqaannay dawladnimada oo seeskii ayuu dhigay oo wasaaradihii ayuu dhisay, askartii ayuu dhisay, wuxuuna xoogeeyey booliskii, dhismihii dawladdana seeska ayuu u dhigay, Rayaale-na waxa uu dhisay millitariga. Waxa uu lahaa dul. Markii xilka madaxweynanimo laga helay ayuu sharaf kaga degay, meesha uu tagana madax. Waxa u dambeeyey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida uu wax u wado ninkii caqli leh wuu garanayaa. Yaan la caaridin (la mucaaridin) lama laha, laakiin ninka mucaaridka ah waa inuu waxa dhiman sheegaa, laakiin waxa jira ee la qabtay inuu qariyo maaha. Maanta dawladda aynnu nahay caalamku wuu inoo bogay, innaguna waxaynnu isa siinnay nabadgelyo.”

“Shir-beeleed waxaynnu kaga soo baxnay Burco, markii la isu keenay beelaha Somaliland. Ninka shir-beeleed hadal haya isaga ayaa is-dilaya. Mucaaridku madaxtinimo ayuu doonayaa iyo dawladda oo uu qabto, gar ayuuna u leeyahay, laakiin hadduu caytamo cidna raaci mayso. Waa inuu waxa dhiman sheego….waxa la yidhi ninka weyni waxa uu cunaa waa jal, waxa uu yidhaahdaana waa dardaaran, markaa Somaliland ninka maanta mucaarad ah waa dahab, waayo mucaaridku waxa uu dhisaa dawladda,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.

Waxa kale oo uu sheegay in aannu madaxweyneyaasha dalalka dalka isaga dambeeyey kala gabban inuu runta u sheego, una tilmaamo waxyaabaha qaldan iyo dhaliilaha jira, waxaannu yidhi; “Madaxweyne Axmed Siilaanyo ha u dambeeye, nin walba oo Madaxweynenimada Somaliland soo maray halka dhiman ayaan u sheegaa. Wallaahi, in aanan midna ugala habranin. Inay Hargeysa biyo la’dahay waan u sheegaa. In aan dadkii weli guryo loo dhisin waan u sheega. Waddooyinka waan u sheegay. Wax weyn ayaa la qabtay, laakiin wax baa dhiman, markaa ninka mucaaridka ah ha yidhaahdo waan ka badin doonaan haddaan talada qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.
arraweelo.com@gmail.com
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *