abwaan Cabdiwaaxid1Hargeysa(Araweelo News Network) Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ah Muwaadin u dhashay Somaliland, isla markaana ah Nin dhalinayaro ah oo Illaahay ku manaysatay Hibo hal-abuur ayaa xukun

xadhig  iyo ganaax ku mutaystay gabay  uu tiriyay.

Abwaanka ayaa xoriyadiisa ku waayay gabay uu ka tiriyay dhacdadii weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairobi, suugaantiisa iyo gabaygiisu kuma koobna oo keliya dhacdadaa, balse wuxuu ku axadhayaa meeqaamka maanta ee Bulshada Soomaalida, Islaamka guud ahaan, isagoo si gaar ah u tilmaamaya doorkii Ragga Soomaalida iyo wacyiga Maanta.
Hase yeeshee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa badhtamihii November ee sanadkan 2013, Abwaanka ku riday xukun hal sano ah iyo ganaax dhan 1mly oo S/lsh. Kadib markii uu xabsiga rumaan ugu xidhaan mudo dhawr todobaad ah.
Abwaanka oo ka hor inta aan la xidhin suugaantiisa uga waramaya Weriye Cabdishakuur Haybe oo ah barnaamij soo saare ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha suugaanta Soomaalida, dhaqankii hore iyo sida dhaqankii iyo wax walba isu bedeleen.

Halkan ka Daawo Abwaan Cabdiwaaxid iyo gabayga galaaftay xoriyadiisa Riix.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *