Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ugu hanjabtay maamulka budhacad badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay faraha kala bixi weydo xuduuddaha Somaliland iyo arrimaha ka taagan deegaanka Buuhoodle ee dagaalku ka dhacay maalintii shalay. Sidaana
waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo u waramayay maanta laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isagoo sheegay inay xukuumad ahaan ka xun yihiin dagaalka ka dhacay deegaanada Buuhoodle oo uu ku tilmaamay xaalada halkaa ka taagaan mid ah “kaa dhimay oo kugu dhimay”, , isagoo dhinaca kalena dagaalka ka dhacay halkaa iyo mushkilada ka taaganba ku eedeeyay inay wadaan wax uu ugu yeedhay koox nabad diid ah.
Oday Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool eek u jira Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay nabad gelyada muhiimad weyn siinayaan, isla markaana ay wadaan qorshe nabadeed.
Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu daba socday hadal xalay ka soo yeedhay horjoogaha maamulka budhcad badeeda ee xaruntiisu tahay garoowe C/Raxmaan Farroolle oo mar wax laga weydiiyay shalay arrimaha dagaalka ka dhacay buuhoodle, taas oo uu sheegay in aanay faraha ka laabanayn oo ay ka qeyb galayaan dagaalka ka socda deegaanka Buuhoodle, haddii aanay Somaliland ka bixin deegaanadaa, Laakiin Oday Xaabsade ayaa weedhaha kasoo yeedhay Mr. Faroole ku tilmaamay mid la iska yidhi, waxaanu sheegay in maamul goboleedka Garoowe haddii aanay faraha kala bixin ay is huran yihiin Somaliland.
“Waxaad hayso soo daa waa inoo garoonka dagaalka, dalka Farroole ma laha Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle,waa dhulka Somaliland dhulkan uu sheeganayaana maaha wax uu leeyahay,”ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.
Dhinaca kale Horjoogaha maamulka budhcad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in aanay faraha ka laabanayn dagaalka ay ciidamada qaranka Somaliland kula jiraan falaagada nabad diidka ee SSC oo dhufays ka dhigtay deegaanka Buuhoodle.
Mr. Faroole oo horjooge u ah maamulka budhcad badeeda xaruntiisu tahay garoowe wuxuu sidaa ka sheegay mar uu shalay waraysi siiyay idaacada BBc-da laanteeda afka Somaaliga. Kadib markii wax laga weydiiyay dagaal duleedka Buuhoodle ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo malayshiyada nabad diidka ah ee SSC oo taageero ka hela maamulka Budhacad badeeda iyo dawladda Eretria oo ku caan baxday kuwa hormoodka u ah qalalaasaha Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com