Laascaanood(ANN)Koox hubaysan oo aan tiradooda iyo cida ay yihiin la aqoonsan, ayaa caawa fiidkii toogasho ku dilay Wariye Axmed Saakin Faarax oo Ka mid ahaa  Wariyaasha ka hawlgala warbaahinta Afka soomaaliga ku hadla ee ka shaqeeya laascaanood . kadib markii lala beegsaday

 

tacshiirad rasaas ah, isagoo u socda gurigiisa.

sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, lama garanayo ujeedada dilka foosha xun ee Loo gaysatay Wariye Axmed Saakin, wuxuuna dilkaasi noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca Somaliland labaatankii sanadood ee ay jirtay ee lala beegsado suxufi, iyadoo suxufiyiinta Somaliland ka duwanaayeen kuwa ka hawl gala Somalia ee dhawrkii sanadood ee u danbeeyay sida xun loo ugaadhsanayay, kuwaas oo dilal qorshaysan lagu khaarajiyo, balse aan la ogayn cidda ka danbaysa dilalka weriyayaasha Somalia.
Dhinaca kale dilka weriyahaa  ayaa kusoo beegmay. kadib markii saaka magalaada Laascaanood  ka dhacay laba qarax oo ahaa miinooyinka dhulka la dhigo, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan Afar qof. Booliska ayaa  sheegay inay qof u qabteen qaraxaa, balse lama sheegin cid loo qabtay dilka weriyahaa ilaa hada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *