Laascaanood(ANN)Koox hubaysan oo aan tiradooda iyo cida ay yihiin la aqoonsan, ayaa caawa fiidkii toogasho ku dilay Wariye Axmed Saakin Faarax oo Ka mid ahaa Wariyaasha ka hawlgala warbaahinta Afka soomaaliga ku hadla ee ka shaqeeya laascaanood . kadib markii lala beegsaday
tacshiirad rasaas ah, isagoo u socda gurigiisa.
sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, lama garanayo ujeedada dilka foosha xun ee Loo gaysatay Wariye Axmed Saakin, wuxuuna dilkaasi noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca Somaliland labaatankii sanadood ee ay jirtay ee lala beegsado suxufi, iyadoo suxufiyiinta Somaliland ka duwanaayeen kuwa ka hawl gala Somalia ee dhawrkii sanadood ee u danbeeyay sida xun loo ugaadhsanayay, kuwaas oo dilal qorshaysan lagu khaarajiyo, balse aan la ogayn cidda ka danbaysa dilalka weriyayaasha Somalia.
Dhinaca kale dilka weriyahaa ayaa kusoo beegmay. kadib markii saaka magalaada Laascaanood ka dhacay laba qarax oo ahaa miinooyinka dhulka la dhigo, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan Afar qof. Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen qaraxaa, balse lama sheegin cid loo qabtay dilka weriyahaa ilaa hada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com