Kuwait(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta ka degey dalka Kuwait. Kadib markii ay booqasho dhawr maalmood ah ku joogeen dalka Imaaraadka carabta, halkaas oo ay kula kulameen masuuliyiinta iyo shiyuukhda

 

dalka  Imaaradka.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo maanta ka duulay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai, waxa halkaa  ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt, iyadoo ay masuuliyiinta dalka Kuwait si maamuus sare leh  usoo dhoweeyeen, isla markaana ay gegida diyaaradaha ku sugayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Kuwait iyo amiirada dalkaa.

 

 

photo

 

 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo xabay xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa manta  gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaaska u ah Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaaraadka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha Somaliland.

.

 

 

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt.
Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt,
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda.  Sheekh Xamad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka kuwayt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya.

Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin:
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda
Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL
Marwo Aamina Sheikh Maxamed, Marwada 1aad ee JSL
Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali.”


Araweelonews Mobile

Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *