Hargeysa(ANN) Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa maanta qalab Kambayuutaro iyo Mishiin kuwa Laydhka ah ugu  deeqday jaamacadda Tama-cadde ee magaalada Gebilay.Deeqda shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo

ka koobanaa  10-computer iyo hal  mashiin oo ah dab dhaliye  20-KV ah, waxa lagu  ku wareejiyay Jaamacada Gabiley ee Tima-Cadde University. Munaasibada shirkada Telesom qalabkaa  ku wareejinaysay oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada Tima-cadde ee magaalada Gabiley waxa  ka soo qayb galay  badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) masuuliyiin ka socday shirkada Telefoonada ee Telesom oo uu ka mid ahaa Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Maxamed Isaaq Cilmi, Madaxa shirkada Telesom ee Gabiley sheekh Maxamed Muumin Aadan, maamulka iyo macalimiinta jaamacadaa iyo sidoo kale Culimada,cuqaasha iyo aqoonyahanada  Gabiley iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo halkaasi ka hadlay ayaa kaga gudoomay deeqda waxbarasho ee shirkada Telesom ugu deeqday d Timacadde, waxaanu ka warramay baahida ay u qabeen qalabkaasi loogu deeqay isagoo sheegay inay baahida jaamacada qayb wayn ka dabooli doono. Dr. Cismaan waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay sida hagar la,aanta ah ee ay uga qayb qaataan horumarka waddanka, isagoo wakiil ka ah maamulka, macalimiinta, iyo ardayda jaamacadaasi waxaa uu halkaasi ka balan qaaday inay qalabkaasi uga faa,idayn doonaan sidii loogu talo galay.

 

Cismaan Awyuusuf Magan sharaxayay Qalabka ay shirkadu ugu deeqday Jaamacada ayaa waxa uu yidhi  “waa qalabkaasi deegda ah ee ay shirkada Telesom ugu deeqday Jaamacada Tima-cadde,deeqdaasi waxay ka kooban tahay 10-computer iyo hal mishiin laydh ah,shirkada Telesom waa shirkadii ugu horaysay ee noogu deeqda qalab wax barasho ,waxaana hubaal ah in ay baahida jaamacada qayb wayn ka dabooli doonaan qalabkaasi,waxaan aamin sanahay in ay shirkada Telesom  hor u mar balaadhan ka gaadhay dhinaca isgaadhsiinta,waxaa kale oo aynu ognahay in ay shirkada Telesom ay markasta mashaariicda hor u marinta ee wadanka si hagar la´aan ah uga qayb qaadato,mar ka hore Ilaahay baa mahad leh marka labaadna iyagaa mahad leh,aniga oo ku hadlaya magaca maamulka,ka macalimiinta iyo ardayda jaamacada Tima-cadde waxaanu ku balan qaadaynaa in aanu qalabkaasi wax barasho ee ay shirkada Telesom noogu deeqday in aanu sida ugu haboon uga faa´iidaysano Haddii Alle yidhaahdo,mar labaad iyo mar saddexaadba waanu u mahadnaynaa shirkada Telesom waxaanu leenahay Illaahay ha idinka jasaa;i siiyo hawshana halkaa ka sii wada” ayuu yidhi dr magan.

 

Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed Isaaq Cilmi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maanta ku wareejinayaan jaamacada Timacade mishiin kuwa laydhka shida ah oo Toban KVA ah iyo toban kombuyuutar.

Maxamed Isaaq Waxaa kale oo uu ka waramay taariikhdii shirkada Telesom iyo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan barnaamijyada arimaha bulshada, isagoo odayaasha reer Gabileyna ku amaanay kaalintii ay kasoo qaateen wakhtigii la aasaasayay una sheegay inay reer Gabiley ka mid yihiin dadka hantiilayaasha shirkada ugu badan.

Maxamed Isaaq waxaa kale oo uu sheegay inay shirkad ahaan ka go,an tahay inay wixii ay ka heleen diyaar u yihiin inay qayb kusoo celiyaan, markasta iyo goostana ay sii xoojinayaan adeegyada cusub ee bulshada reer Somaliland u sahlaya nolol maalmeedkooda.

Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada Telesom Maxamed Isaaq Cilmi waxaa ka mid ahaa hadalladiisa  “runtii anaga waxaa farxad aad iyo aad u wayn noo ah,goobtii ugu mudnayd dalka oo aanu maanta jaamacada  ku guddonsiinay 10-computer iyo  mishiin wayn oo ah 20KVA ah,shirkada Telesom iyo Gobolka Gabiley way isku badhaadheen sidaa uu sheekh Ciise sheegay,anaguna shirkad ahaan reer gabiley waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn wakhtigii ay shirkadu soo degaysay iyo ilaa maanta aynu shaqada wada hayno,anagu dhinacayaga waxaanu hidinka sheegaynaynaa  waa mahad”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “marka laga tago adeega ay shirkadu qabato waxaa jira shaqaaale ka soo jeeda gobolka oo aan ku qiyaasi karo ilaa 30 qof ama ka badan ayaa waxay ka shaqeeyaan Gobolkan,waxaan doonayay maanta mar haddii ay halkan joogaan odayaashii reer gabiley,marar badan waxaad idaacadaha ka maqasheen shirkada telesom runtii dadka   gobolkani waxaa ka soo jeeda ama uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee leh shirkada Telesom,dad gabiley ka maal gashaday,dad wajaale ka maal gashaday iyo kuwo badan oo Hargaysa ka maal gashaday. runtii weliba waxaan ogahay qaar ka mid ah ganacsatada ugu waa wayn ee ka soo jeeda gobolkani shirkadan qayb ayay ka yihiin oo dadka hantiileyaasha ah ayay ka mid yihiin,marar badan ayaa waxaad maqashaan cid akle ayaa leh waxba kama jiraan,runtii manfaca ay shirkadani Somaliland u leedahay wuu badan yahay,waxaa  si toos ah uga shaqeeya ilaa 9000.qof,waxaa kale oo ay shirkadani hor mood ka ahayd xaga isgaadhsiinta iyada oo aynu go´doon ku jirno ayay telesom dalka timid,waxaan doonayay in aan odayaasha halkan uga sheego xaga shaqaalaha marka la eego in aad tihiin dadka hantiileyaasha ah,boqol qof ku dhaw-dhaw oo dadka reer gabiley ah ayaa daadka shirkadan leh ak mid ah”. Ayuu yidhi.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case oo munaasibadaasi hadal kasoo jeediyay ayaa ugu horayn si aada ugu mahad naqay shirkada isgaadhsiinta Telesom kaalmada fiican ee markasta ka gaystaan guud ahaan gobolada dalka Somaliland gaar ahaana dib u dhista iyo horumarinta gobolka Gabiley.Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay inay caan ku tahay kusoo celinta shacabka ay ka ganacsadaan oo ay inta badan kala qayb qaataan dib u dhiska dhinacya a kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay in barnaamij kastana laga dhex arko shirkadaasi oo ka qayb qaadanaysa.

 

Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku sheegay inay tahay shirkada ugu wanaagsan dhinaca shaqaalaysiinta  shaqaalaha sidoo kalena ugu shaqaalaha badan dalka oo dhan , isagoo sheegay in shirkadani hore ugasoo qayb qaadatay horumarka gobolka Gabiley, shirkadaha kale ee wadanka ka ganacsadana waxaa uu ugu baaqay inay sidaasi Telesom oo kale wax kusoo Celiyaan.

Chief  Caaqil Cabdi Ciidle Amaan iyo Caaqil Aw Ciise Gacanloo ayaa iyaguna labadooduba ka waramay kaalinta shirkada isgaadhsiina Telesom ku leedahay gobolka Gabiley iyagoo uga mahad celiyay  deeqda ay maanta jaamacada ugu deeqeen iyagoo sheegay inaanay odayaashu bixin kareen hadii aanay maanta jirin shirkada Telesom.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *